4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2012
Hay'adda Canadian Eye on Africa oo Abaalmarin guddonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sweden

 


Hay'adda Canadian Eye on Africa
Jimco,  May 18, 2012

Ra’iisul wasaarihii hore ee Sweden ee sagaashameeyadii (90s) dowrka weyn ka ciyaaray soo dhaweyntii qaxootiga Soomaalida ahna Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sweden, Honorable Carl Bildt, ayaa Hay’ada lagumagacaabo CANADIAN EYE ON AFRICA guddoonsiisay Abaalmarrin guddonsiisay, oo socdaal rasmiya kuyimid Dalka Canada. Abalmarintaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen, xubbno katirsan dawlada, safiiro, diplomasiyiin  iyo hay’ado goboledyo iyo caalamiya ayaa waxaa gudoonsiiyey madaxa hay’ada CANADIAN EYE ON AFRICA, Muddane Jamie Beals.

Sababta loo guddonsiiyay oo salka kuhaysa, aqoonsiga kartiddii iyo hawlqabadkii uu usameeyay qaarada afrika muddadii uu ahaa Ra’isalwasaaraha Seweden oo qaxooti baddan ay soo galeen dalka sweden; oo labaatan sanno kadib noqday xubno dowr-wayn ku leh horrumarka dhinaca isgaadhsiinta iyo dib-udhiska kasocda qaarada Afrika (In recognition of the Minister's outstanding efforts in Africa when he was Prime Minister of Sweden and also in recognition of his current and future excellent work in the region).

 Wasiirku wuxuu ka yimid Magaalada Addis Ababa oo uu kaga qaybgallay kulankii Gollaha Dhaqaalaha Aduunka ee 22aad, oo loogu aqonsaday in sanadkan qaarada Afrika kamid noqotay Todoba kamid ah Tobbanka Aduunka sida xawliga ah dhaqaalahoodu u korayo (A Celebration of Seven of the Ten Fastest Growing Economies in the World - Africa. The 22nd World Economic Forum 2012).

Ra’isul wasaaraha oo kamid ahaa hoggamiyayaashii Europe ee   doorka shariifka ah kasoo ciyaaray sagaashameeyadii (1990s) hoggaminta Sweden iyo siyaasada qaarada Europe soo dhawayntii qaxootigii kas oo yagleelay Africa, gaarhaana Soomaaliya; oo maanta jiilka soo koray ay yihiin midd guud ahaan waxtar wayn ku kordhiyay isbadalka qaarada Afrika ee dhinaca kobcinta isgaadhsiinta, maaliydda iyo kaabaha dhaqaale oo ay wadaan aqoonyahano qarkood kayimid Sweden.

Hadal kooban, wasiirku wuxuu aad ugu farxay aqoonsiga uu guddomay iyo inuu ku faraxsanyahay in Sweden doorweyn oo bani’aadanimo samaysay, islamrkaana uu sii wadidoono, dadaalka iyo iskaashiga loogu jirro in qaaradu ka hayaanto marxalada amni-darrida, iyo in ururada bulshada ee asalkoodii kayimid qaarada Africa ay door-muhiim ka qaataan dawlad-wanaaga iyo kobcinta seeska kaabayaasha dhaqaalaha ee bari.

 Xigasho: Canadian Eye on Africa, Ottawa, canada
WWW.CANADIANEYEONAFRICA.CA