4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Iskahorimaad khasaare geystay oo ciidamada Somaliland iyo dad Shacab ah ku dhexmaray Bariga Magaalada Hargeysa

Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Dad shacab ah iyo ciidamada amniga Somaliland ayaa maanta dagaal waqti kooban socday wuxuu ku dhexmaray bariga magaalada Hargeysa, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaartay labada dhinac.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhashay dad shacab ah oo sheegay inay dhul ay leeyihiin xoog kaga haystaan ciidamadda milatira iyo ciidamadda amniga oo iyana ku doodaya inay dhulku yahay mid dan guud oo xerana u ahayd ciidanKa.

Ilaa hadda si cad looma sheegin khasaaraha dhabta ah inta uu leeg yahay, inkastoo laba dhimasho iyo afar dhaawac ah la soo gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa oo ka mid ah dadkii shacabka ah sida hawl-wadeenadda cisbitaalku noo xaqiijiyeen,.

Warar kalana waxa ay sheegayaan in dhaawacu intan ka badan yahay balse dadku gaysteen cisbitaalo gaar loo leeyahay, taasina ay keenayso in si dhaba loo ogaado khasaaruhu inta uu leeg yahay.

sidoo kale, ciidamada booliska iyo Milatariga ayaa dhaawac iyo dhimasho ka soo gaadhay rabshadahaasi, waxaana wararka aanu ka helayno ciidamadda amnigu sheegayaan in afar askari halkaasi ku dhinteen, dhaawacanu intaas ka badan yahay, haseyeeshee, dhaawaca iyo dhimashadda waxa la geeyey cisbitaalka ciidamadda milatariga, waxaana ilo u dhow dhowi sheegayaan in afarta askari saddex ka mid ahi yihiin milatariga, halka midna yahay booliska.

Meeshan dagaalku ka dhacay ayaa ah bariga magaaladda Hargeysa oo ah meel ciidanku milatariga leeyihiin, balse dad shacab ahi ku doodayaan in wakhtigii dawladii hore ee Siyaad Bare xoog kagaga qaaday xero ciidanna ka dhigay.

Wasiir ku xigeeenka Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlayey ayaa sheegay in aanay wali kala cadayn khasaaraha dhabta ah ee labadda dhinaca soo kala gaadhay, balse ay jiraan dhimasho iyo dhaawac labadda dhinac ah.

Wasiirku xigeenku waxa uu xusay in dhibaatooyinka ugu badan ee amni darada ka dhaliya somaliland yihiin arrimaha dhulka oo mar kasta la isku qabsado, arrintana uu khasaaruhu ka dhashayna ay tahay arrimahaasi oo ay dad shacab ahi sheegayaan dhul xero milatari ah.

Sidoo kale, Maayarka magaaladda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa isna sheegay in afar qof ka dhinteen dadkii weerarka soo qaaday, saddex kalana askarta ka dhinteen, dad lagu qiyaasay 12 qof oo uu sheegay inay ku eedeysan yihiin dadkii rabshadahan ka dambeeyeyna la xidhay.

Dadkan dhintay ayaa waxa ku jiray haweenay uur leh oo la garan waayey eheladoodda oo aan ku jirin dadka meesha isku haystay, balse la sheegayey in iyadoo meesha maraysa ay qabsaday xabad habow ahi, waxaana la dhigay qolka maydka ee cisbitaalka magaaladda Hargeysa, iyadoo dad badani ku xoonsanayeen si loo garto.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland