4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Dowladda KMG Soomaaliya oo Beesha Caalamka ka dalbatay inay bixiyaan yaboohii dhaqaale ee ay horay u ballanqaadeen

Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax taageero ah oo la taaban karo ka helin beesha caalamka, iyadoo kaddib muddo saddex bilood ah la filayo in looga gudbo marxalada ku-meel-gaarka.

Warsaxaafadeed ay dowladdu soo saartay ayay ku sheegtay inay ku tilaabsatay dhameystirka howlaha heshiiskii Roadmap-ka sida diyaarinta dastuurka oo sugaya ansixin, wax-ka-qabashadda ammaanka iyo dowlad-wanaaga oo guulo laga gaaray.

"Caqabado badan kaddib, dowladdu waxay muujisay inay ka go'an tahay in natiijo laga gaaro howlaha socda wakhtigan muhiimka ah, iyadoo ay oday-dhaqameedyada dadaal ugu jiraan sidii looga arrinsan lahaa aayaha ummadda Soomaaliyeedm," ayay dowladdu ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

Sidoo kale, waxay dowladdu warsaxaafadeedkeeda ku tiri: "Dadaallada ay dowladdu waddo waxaa ka dhashay natiijooyin shacabka Soomaaliyeed galiyay kalsooni ku aaddan wax-qabadka dowladooda. Taasi waxay abuurtay dareenkii shacabka oo wax iska-badalay, maadaama ay dowladdu heshay kalsooni, balse waxaa meesha ka maqan kaalintii beesha caalamka."

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in bishii September ee sanadkii hore beesha caalamku waxay yaboohday dhaqaalihii lagu meel marin lahaa fulinta heshiiska Roadmap-ka, balse wali kharashkaas masoo gaarin DKMG.

"Taageerada beesha caalamka waxay aasaas u ahayd horumarintii iyo waxqabadkii DKMG ee sanadihii lasoo dhaafay taasoo shacabka Soomaaliyeed ay abaal-weyn uga hayaan. Waxaa suurogal ah in dib-u-dhigida kharashka loo ballan-qaaday DKMG ay keeni karto hakad ku yimaada waxqabadkii iyo horumarkii la gaaray," ayay ku tiri dowladdu warsaxaafadeedkeeda.

Sidoo kale, dowladdu waxay sheegtay inay diyaar u diyaar-garowday dhameystirka howlaha geedi-socodka Roadmap-ka, iyadoo ay jirto caqabado dhaqaale, iyadoo xustay inay khasaare tahay inaan la dhameystirin heshiiskii la gaaray.

"Marka la eego dhinaca siyaasadda; dowladdu waxay abuurtay jawi cusub oo ay shacabku ku qanacsan yihiin kaasoo nabad ku dhameynaya xiliga kala-guurka ah. Oday-dhaqameedyada waxaa ka go’an horumuud inay ka noqdaan dadaalka nabadda iyo dhameystirka howlaha geedi-socodka iyo wakhtiga ka danbeeya," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Dowladdu waxay sheegtay in dalku ku socdo waddada horumarka, balse ay habboon tahay in dadaalka dowladda uu daba-socdo taageero dhaqaale si loo xaqiijiyo dhameystirka howlaha harsan ee geeddi-socodka qorshaha Roadmap-ka.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka xukuumadda waxaa lagu sheegay in Beesha caalamka ay fahamsan tahay marxalada uu ku sugan yahay dalka, gaar ahaan waqtiga kala guurka, kaasoo aan lagu maareyn karin yabooh aan wali la bixin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya