4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo safar shaqo ku tagay gobolka Awdal, xarigana ka jaray waddada u dhexeysa Dilla iyo Boorame

Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Madaxweynnaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku tagay gobolka Awdal ee somaliland, waxaanu xadhiga ka jaray waddo cusub oo laga hirgaliyey Dilla ilaa Boorame.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa magaaladda Dilla kaga horyimid madaxda sare ee heer gobol iyo degmo iyo dadweyne aad u farobadan oo madaxweynaha ku soo dhoweynayey gobolka, waxaanu halkaasi xadhiga kaga jaray afar Killomitir oo laga hirgaliyey jid isku xidhi doonna magaaladda Dilla iyo Boorame.

Jidkan isku xidha Boorama iyo Dilla ayaa hirgalinteedda waxa isla kaashaday dadweynaha gobolka iyo ganacsatadda Somaliland, iyadoo hore xukuumaddu u balanqaaday in afar killomitir ku darsan doonto wadadaasi oo ay xadhiga ka jartay maanta, waxa kale oo isla maanta ay ku dartay lix killomitir oo kale oo ay kharashka ku bixi doonna ay bixin doonto dawladda Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siillaanyo ayaa hadal kooban halkaasi ka soo jeediyey uga mahadceliyey dadweynihii sida weyn ugu soo dhoweeyey gobolka iyo madaxda gobolka, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay wadadan laamida ee gobolka laga hirgaliyey ee dadweynaha iyo xukuumaddu isku tashadeen, maadaama oo wakhtiyadii hore lagu rafaadi jiray maritaanka jidkan oo ahayd mid raf ah.

Madaxweynuhu waxa uu markii dambe u dhaafay magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal, halkaasi oo uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay waxgaradka iyo maamulka gobolka, iyagoo iska waraysanayey xaaladda guud ee gobolka iyo dhanka amniga, isagoo ku booriyey in wax kasta oo jira dhan uga soo wada jeestaan amnigana ilaaliyaan.

Dhisitaanka wadadan ayaa bilowgii hore xil weyn waxa iska saaray guddi ka kooban waxgaradka gobolka Awdal iyo Selel, kuwaas oo sameeyey urur la yidhaa ASARDA, hirgalinteeddana gacan weyn ay ka siiyeen dadweynaha iyo ganacsatada Somaliland, waxa iyana afartan Killomitir fulisay xukuumadda Somaliland, iyadoo lix killomitir oo kalana uu maanta madaxweynuhu dhagax dhigay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland