12/6/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2012
Dagaal khasaare geystay oo Ciidamada Dowladda KMG, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Bakool

Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay in ka badan 20-kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo duleedka degmada Xudur ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidamada DKMG iyo kuwa Itoobiya ay weerarro ku qaadeen shalay gallinkii dambe saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen halka uu dagaalku ka dhacay.

"Weerarka innaga ayaa qaadnay waxaana ku dilnay ciidammo badan oo Al-shabaab ka tirsanaa, dhankeennana khasaaruhu aad ayuu u yaraa," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool ee dowladda KMG ah.

Xildhibaanno ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid looga hortagayay weerarro ay Al-shabaab kusoo qaaddo degmada, iyagoo sheegay inay ka dileen Al-shabaab in ka badan 10-dagaalyahan.

Dhanka kale, saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inay weerarkaas iska difaaceen, inkastoo aysan sheegin khasaare ay u geysteen ciidamadii isbahaysiga ahaa iyo khasaare dhankooda soo gaaray.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanno ku dhow halka lagu dagaalamay ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud, waxayna xaqiijiyeen inay arkeen maydadka tobanka qof ee lagu dilay dagaalka.

Deegaankii lagu dagaalamay ayaa waxaa weli ku sugan xoogaggii Al-shabaab, iyadoo mas'uuliyiinta gobolka Bakool ay sheegeen inay qorshayaan weerar kale oo ay deegaankaas ku qaadaan.

Degmada Xudur oo 480-km u jirta Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya, iyagoo kala wareegay bishii Maarso ee sannadkan xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/10/2012 8:50 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 141-sarkaal oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo uu ku jiro taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye.

5/10/2012 8:06 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa saakay ka saaray dadkiii deggenaa iyo kuwii ku ganacsanaya ka saaray dhismayaal wasaaradeed oo ku yaalla agagaarka isgoysyada Banaadir iyo Zope.

5/10/2012 7:36 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Wafdi ay hoggaaminayaan wasiirro ka socda dalalka Koonfur Afrika iyo Musambiik ayaa maanta booqday Muqdisho iyagoo la kulmay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali lana hadlay odayaasha-dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho.

5/10/2012 6:56 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin shacab ayaa ku dhintay qarax ciidamada dowladda KMG ah lagula beegsaday jidka Soddonka ee Muqdisho iyo iska-horimaad dhexmaray ciidamada dowladd KMG ah oo ka dhacay jidka warshadaha.

5/10/2012 6:23 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay oo Khamiis ah tababar ugu soo xiray dalka Uganda boqlaal ka tirsan askarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayay dalka Uganda.

5/10/2012 3:47 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku toogtay sarkaal lagu magacaabi jiray, Axmed Maxamed Nuur (Fanax) oo ka mid ahaa saraakiisha hay'adda samafalka Islamic Relief.