4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Ciidammo iyo Saraakiil ka tirsan Booliiska Somalia oo maanta markii ugu horreysay tababar loogu qaaday dalka Turkiga
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay loo qaaday dalka Turkiga si ay tababar ugu soo qaataan, iyadoo taliyaha booliiska Soomaaliya uu sheegay in tani qayb ka tahay kaalmada uu Turkigu u fidinayo Soomaaliya.

Saraakiishan iyo ciidamadan ayaa waxaa Muqdisho ka qaadday diyaaradda Turkish Airlines, waxaana la sheegay in tababarkooda uu socon doono muddo bilooyin aan la cayimin, markaas kaddibna ay dib ugu soo laaban doonaan Muqdisho.

"Tirada saraakiishan iyo ciidamada loo qaaday dalka Turkiga waxay gaarayeen 80 ruux, waxayna ku guuleysteen imtixaan loo galay tababarkan," ayuu yiri Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo ah taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

Jen. Maye ayaa sheegay in tallaabadan ay dhiiri-gelin u tahay booliiska Soomaaliya, isagoo xusay inay soo baran doonaan sida looga shaqeeyo ammaanka, markii ay dib u soo laabtaanna ay ka howlgeli doonaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciidamada iyo saraakiisha ayaa la hadlin saxaafadda iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo dowladda Turkiga ay dalkeeda u qaaddo ciidammo Soomaali ah si ay tababarro u soo siiso.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan hay'ado samafal oo Turki ah, kuwaasoo yimid sannadkii hore xilli ay abaaro ba'an ku dhufteen Soomaaliya, balse Ankara waxay sheegtay inay sidoo kale gacan ka geysanayso dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya.

Xukuumadda Turkiga ayaa ballanqaadday sannadkan inay tababarayso ciidamada booliiska iyo kuwa milateriga Soomaaliya si ay u hantaan ammaanka Soomaaliya oo muddo 20-sano ka hor ah burburay kaddib markii ay ka qaraxeen dagaallo sokeeye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya