4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2012
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo ku kulmay Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta (SAWIRO)

Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo labada mas'uul ay hadallo jeediyeen.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu ahaa mid daba-socda shirkii magaalada London ku dhexmaray ergooyinka ka kala socday Soomaaliya iyo Somaliland.



Madaxweynaha Soomaaliya oo hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan inuu la kulmo madaxweynaha Somaliland, isagoo sheegay in kulankoodu uu daba-socda kulankii ka dhacay London ayna horay ugu sii wadayaan wadahadallada billowday.

Sidoo kale, Axmed Siilaanyo oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya kala shaqeeyaan la dagaalanka argagaxisada iyo burcad-badeedda, balse gooni-isu-taagga Somaliland uu yahay mid lama taabtaan ah.

Kulanka labada labada madaxweyne ayaa waxaa ku sugnaa madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole, madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Maxamed Caalin iyo xubno kale oo ka socday Imaaraadka Carabta.



Labada madaxweyne ayaa waxay isku raaceen in la taageero qodobbadii kasoo baxay shirkii ka dhacay London, lana sii wado wadahadallada u billowday, iyagoo xusay in labada guddi ay u ogolaadeen inay sii wadaan wadahadalka billowday si loo xaqiijiyo xiriir dhab ah oo dhexmara labada dhinac.

Heshiiska ay labada dhinac gaareen oo ay labada madaxweyne ku saxiixnaayeen labada madaxweyne ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ahaa in shirka soo socda ee labada dhinac dhexmaraya uu ka dhaco dalka Imaaraadka Carabta.

Kulanka Sheekh Shariif iyo Axmed Siilaanyo ayaa sii socon doona illaa maalinta berri ah, iyadoo weli ay muuqdaan kala duwanaasho dhinaca fikirka ah, iyadoo xubnaha Somaliland ay ku dheggen yihiin gooni-isu-taaggii ay ku dhawaaqeen sannadkii 1991-kii.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya