4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Odayaasha Dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho oo soo xulay Gudigga loogu talogalay xallinta khilaafaadka Odoyaasha
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Gudigga ay odayaashan ay iska soo xuleen oo gaaraya 26-xubnood ayaa waxaa loogu talogalay inay xalliyaan khilaafaadyada soo dhex-gala odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku howlan soo xulidda ergada ansixinta dastuurka iyo kuwa soo xulaya xildhibaannada cusub.

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saxaafadda u soo gudbisay magacyada guddigan odayaashu ay iska soo xuleen kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin:
  1. Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Caliyow
  2. Malaaq Maxamed Yacquub Sh. Deewow
  3. Malaaq Isaaq Ibraahim Xassan
  4. Malaaq Cabdirashiid Shiikh Xassan
  5. Suldaan Cabulqaadir Cabdullaahi Xassan
  6. Ugaas Maxamed Cali Ugaas
  7. Ugaas Cabdulahi Ugaas Xaashi
  8. Nabadoon Cali Maxamed Maxamuud
  9. Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax
  10. Waber Geedi Waber Xassan
  11. Suldaan Axmed Jaamac Xirsi
  12. Ugaas Aways Sh. Xuseen (Huneero)
  13. Malaaq Suufi Murde Cali
  14. Suldaan Cabdi Xaliim Cabdi Maalik
  15. Ugaas Saalax Maxamed Cabdule
  16. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
  17. Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi
  18. Ugaas Xuseen Cismaan Nuur
  19. Ugaas Maxamed Ugaas Axmed
  20. Suldaan Maxamed Axmed Burtinle
  21. Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Cabdulllaahi
  22. Suldaan Ibraahim Suldaan Cali Xaaji
  23. Ugaas maxamed Ugaas Buule Jiirow
  24. Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar
  25. Suldaan Maxamed Xassan Bul-bul
  26. Suldaan Maxamed Aadan Ashkir

Odayaasha dhaqanka ayaa looga fadhiyaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo xulaan ergada ansixinta dastuurka cuusb ee Soomaaliya oo xukuumaddu ay soo bandhigtay shalay oo Talaado ahayd, inkastoo guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka ay ku tilmaameen dastuurkaas mid ay dowladdu wadato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya