4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2012
Dahabshiil Group oo mashaariic khayriya kana kooban deeq lacageed iyo dhismayaal ka hirgaliyay Magaalada Boorama


Axad, June 24, 2012 (HOL)- Dahabshiil Group, ayaa Mashaariic Khayriya Oo Iskugu Jira Deeqo Lacaga Iyo Dhisida Dhismayaal Ka Hirgaliyay Magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

 Saraakiil sarsare oo ka socotay shirkada DAHABSHIIL GROUP ayaa booqasho gaaban ku timid xarunta gobolka Awdal Ee Boorama, waxaana weftigaas hogaaminayay Cabdiraxmaaan Cali Cabdi oo ka mid masuuliyiinta sarsare ee Dahabshiil, Waxayna kulan la qaateen gudiga abaaraha Gobolada Awdal/Selel, kuwaas oo guddida abaaraha gudoonsiiyey deeq lacaga oo qadarkeedu dhan yahay 10,000$ (Toban kun) oo doolarka Maraykanka ah si wax loogu qabto abaaraha baahsan ee ka jira goboladda Awdal iyo Selel.

Sidoo kale, waxaa isna halkaas ka hadlay gudoomiyaha shirkada DAHABSHIIL  Awdal/Selel waxa uuna ka warbixiyay dadaalka dheer ee ay had iyo jeeraale DAHABSHIIL ugu jirto sidii ay bulshadeeda kala qayb qaadan lahayd arimaha asaasiga ah ee had iyo jeeraale ay u baahan yihiin ,shirkadooduna aanay ahayn mid dadka wixii ay ka macaashto ayna dib ugu soo celin, balse ay  dib ugu soo celiso wixii ay ka macaashto.


Waftigan ayaa markii ay dhamaysteen kulankii ay la qaateen gudigan abaaraha waxa ay booqasho kale ku tageen Jaamacadda Camuud, halkaas oo ay kulan la qaateen gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed waxa uuna  uga warbixiyay baahida asaasiga ah ee hada taagan ee ay dahabshiil u soo gudbiyeen ayna tahay in kordhin loogu sameeyo hoolka wayn ee ay jaamacadda Camuud Ardaydu ku qalin jabiso, halkaas oo ay si toos ah uga aqbaleen saraakiishii ka socotay Dahabshiil la isna gartay goobta sida rasmiga ah looga dhisayo hoolkaas oo ah mid aad u wayn qaadi doonaan dhawr kun oo qof, waxaana dhagax dhigay madaxa waftiga Mudane Cabdiraxmaan Iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof:Saleebaan Axmed Guuleed.

Waxa sidoo kale, oo ay soo booqdeen Dhakhtarka weyn ee magaalada Boorama halkaas oo ay la kulmeen agaasimaha guud ee dhakhtarka Boorama Dr:Ismaaciil Xaaji Maxamuud Aye waxa ayna uga warbixiyeen ujeedada booqashadooda maanta iyaga oo u sheegay Dhakhtarka in dahabshiil maanta  dadka bukaanka ah u wado  sooryo bini’aadantinimo oo dhinaca raashinka ah, taas oo lacag dhan 1000$ Doolarka maraykanka ah ku wareejiyay Dhakhtar Ismaaciil.

Gabogabadii safarka saraakiishan waxay kormeer ku soo mareen xafiisyada DAHABSHIIL, Iyo Somtel halkaas oo ay kulamo la qaateen qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta xafiisyadaas.







Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland