4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi oo ka digtay Weerarro Qaraxyo ah oo ka dhaca Magaalada Mombassa

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa maanta oo Sabti ah ka digtay weerarro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalo xeebeedda Mombassa ee dalka Kenya oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas.

Muwaadintiinta Mareykanka ah ee ku sugan Mombassa ayaa loogu baaqay inay ka soo baxaan magaladaas, ayna howlahooda hakad geliyaan inta laga gaarayo kowda bisha July ee soo socota.

"Tani waa digniin ku socota dhamaan shacabka Mareykanka ah ee ku nool Kenya si ay uga soo baxaan magaaladaas, waayo safaaradda Mareykanka ee Nairobi waxay heshay warbixinno ku saabsan in Mombassa ay ka dhici karaan weerarro argagaxiso," ayaa lagu yiri warbixinta safaaraddu soo saartay.

Digniintan ayaa imaanaysa kaddib markii ciidamada booliiska Kenya ay sheegeen in laba qof oo Iiraan u dhashay ay qabteen, kuwaasoo qorsheynayay qaraxyo ay ka geystaan magaalooyinka Mombassa iyo Nairobi.

"Waxaan qabanay laba ruux oo laga shakisan yahay, waxayna doonayeen inay ka geystaan qaraxyo argagaxiso dalkan," ayuu yiri taliyaha booliiska Mombassa, Aggrey Adoli. Isagoo hadalkiisa ku daray: "Waxay na tuseen kiimiko la rumeysan yahay inay u isticmaali lahaayeen qaraxyada."

Mid ka mid ah labadan ruux waxaa lagu qabtay magaalada Mombassa, halka midka kalena lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Balse ma jiro hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dowladda Iiraan.

Tan iyo markii ay Kenya ciidammo fara badan u digtay dalka Soomaaliya sannadkii hore waxaa ka dhacayay qaraxyo isdaba-joog ah oo khasaarooyin kala duwan ay kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamada dalkaas.

Sannadkii 1998-kii ayaa qaraxyo culus loo geystay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay magaalooyinka Nairobi-Kenya iyo Daaru-salaam-Tanzania, kuwaasoo ay ku dhinteen boqolaal qof oo isugu jiray shaqaalihii safaaradaha iyo dad kale oo ka dhawaan halkaas.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ku hanjabtay inay dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo ay ugu aar-gudayso dadka Soomaaliyeed ee ciidamada Kenay ay ku laynayaan gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya