Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Musharraxa madaxweynenimada C/raxmaan Baadiyow oo xaflad kamid ah kaambaynkiisa ku qabtay Nairobi.Xaflad ay isugu yimaadeen boqollaal Soomaali ah oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa waxaa dadweynaha kula hadlay musharraxa u taagan jagada madaxweynenimada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed C/llaahi Baadiyow.Waxaana uu Soomaalida ku boorriyay inay hogaanka u doortaan kuwa aqoonta leh ee dalka ka samata bixin kara dhibaatada uu ku jiro.Baadiyow ayaa ballan qaaday inuu ku shaqayn doono qaab aan eex lahayn oo ay cadaaladi ku dheehantahay, uuna ka dheeraan doono qabyaalada iyo musuqmaasuqa, hadii uu ilaah ku guuleeyo inuu dalka hogaamiyo.
Xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen sidoo kale madax kala duwan oo u badnaa siyaasiyiin ayaa waxaa ka hadlay Cali Mahdi Maxamed.
Cali Mahdi ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta aqoonta uu u leeyahay musharraxan asagoo tilmaamay inuu yahay ninki waddanka ka gudbin lahaa marxaladda adag ee uu marayo.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ahaana wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa isna ka codsaday Soomaalida inay soo saaraan dadkooda aqoonta iyo khibrada u leh hogaanka.Iyadoo la filayo in bisha Agoosto ee soo socota ay dalka ka dhacdo doorashada madaxtinnimada ee Soomaaliya ayaa waxaa sii kordhaya musharrixiinta kala duwan ee xilkaas u taagan, iyadoo xilliganna aan la sadaalin Karin cida ku guulaysan doonta.Axmed C/samad, Hiiraan Online[email protected]Nairobi , Kenya