4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Maxkamadda Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo xukun dil ah ku ridday Askari dil iyo dhaawacyo u geystay Haween Soomaaliyeed

Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada DKMG Soomaaliya ayaa ku xukuntay dil toogasho ah askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, kaddib markii maxkamadeyntiisu ay ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Xukunkan Askariga oo dhacay Axaddii lasoo dhaafay ayaa waxaa loo haystay dilka haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Saynab Faarax Takar iyo sidoo kale dhaawaca laba kale oo la socday gaari rakaab.

"Kaddib markii ay ku makhtaari kaceen Maxamuud Xuseen Maalin oo ka mid ah askarta dowladda KMG ah inuu toogtay Saynab; laba haween ah oo kalena uu dhaawacay, waxay maxkamadda ciidamadu ku xukuntay dil toogasho ah," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada DKMG Soomaaliya G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Haweeneyda la dilay iyo labada kale ee la dhaawacay ayaa waxay la socdeen gaari kasoo ambabaxay degmada Afgooye gallinkii dambe ee Jimcaha, iyadoo xukunkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo lagu rido askarta dowladda ee ku sugan degmada Afgooye.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda KMG ah ayaa sheegay in xukunka uu u cuskaday shareecada islaamka iyo shuruucda kale ee dalka u dagsan, isagoo uga digay ciidamada dowladda inay ku kacaan falal ay ku dhibaateynayaan dadka shacabka ah.

"Askariga la xukumay maalmaha soo socda ayaa xukunka lagu fulin doonaa, askari walba oo falkan oo kale ku kacana waxaa la horkeeni doonaa sharciga," ayuu yiri G/sare Muun-gaab oo saxaafadda la hadlayay.

Askari kale oo lagu eedeeyay inuu dhibaateeyay dadka ku nool degmada Afgooye ayaa isagana lasii daayay, kaddib markii maxkamaddu ay sheegtay in lagu waayay dambiyadii loo haystay.

"Ciidamadeennu waxay doonayaan inay xaqiijiyaan ammaanka shacabka ku nool degmada Afgooye, xukuumadduna waxay si dhaqso ah oo adag ay ula dhaqmi doonaa askarta aan howlahooda kasoo bixin," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga DKMG ah ee Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya cidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhammaadkii bishii hore dagaal uga qabsaday xoogaggii Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya