4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2012
Madaxweynaha Azaaniya oo sheegay in uu maamulkiisu wada hadal la galayo Ahlunna iyo Raaskambooni


Isniin, June 11, 2012(HOL): Munaasabadaan oo ay soo abaabuleen dad ka soo jeeda deeganada uu maamulka Azaaniya ku magacaaban yahay islamarkaasina taageersan oo ka dhacday magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guud ahaan qeybaha bulshada sida, haween, dhalinyaro, waxgarad, aqoonyahano iyo waliba siyaasiin caan ah oo ka jeedaa dalka Kenya.

Ugu horrayntii furitaanka munaasibadaan ayaa waxaa ka hadlay dad kala duwan, oo uu ka mid ahaa Jacfar Maxamed Mooge, oo isugu sheegtay in uu yahay gudoomiyaha gudiga  maamulka Azaaniya ee Gobolka Minnesota,  waxaana uu sheegay in ay soo dhaweynayaan howlaha uu wado maamulka Azaaniya, gaar ahaan so celinta amaanka iyo nabadeynta bulshada.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay Cabdi-qani Sheikh Axmed, oo ah afhayeen maamulka Azaaniya ee waqooyiga Amerika, waxaana uu ka sheekeeyey waxqabadka maamulkooda tan iyo markii la aas-aasay, isagoo sheegay in ay caqabado fara badan ka horyimaadeen, kuwaasi oo ay ka mid tahay in gobolada maamulkoodu uu ku magacownaa ay haystay kooxda xagjirka ah ee Alshabab ee ka dagaalanta Soomaaliya.


“Dhisitaanka maamulka Azaaniya, waxaa uu ku soo beegmay xili ay goboladaasi qabsadeen Shabab, taasina waxaa ay qeybka ahayd waxyaabihii sababay in la aas-aaso maamulka Azaaniya, oo ah sidii Shabab looga xoreyn lahaa sadexda gobol ee Jubooyinka iyo Gedo, taasina haatan meel wanaagsan ayey mareysaa,”  ayuu yiri afhayeenka Azaaniya.

Afhayeenka maamulka Azaaniya, waxaa uu intaasi ku daray in tan iyo markii maamulkooda la magacaabay ay waxbadan ka qabteen, sida in ay aas-aaseen ciidan xoogan oo haatan ka howlgalaya sadexda gobol ee maamulkooda hoostaga.

“Anigu intii aan shaqeynaynay waxaan ku guulaysanay in aan aas-aasno cudud ciidan oo xoogan, kuwaasi oo haatan ka howlgalaya jiida hore ee dagaalku ka socdo iyo aan sidoo kale ku guulaysanay in aan abuurno siyaasad bulsho, islamarkaasina aan ka gudubno caqabadaha jiray,” ayuu yiri Cabdi-qani Sheikh Axmed.

Maxamed Cumar Gaange, oo mar Soomaaliya qusal uga ahaan jiray Kenya, oo isna ka mid ahaa dadkii meesha ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Azaaniya ay soo dhaweynayo howlaha uu wado, gaar ahaan in gobolada Jubooyinka iyo Gedo lagu soo celiyo nabad iyo kala dambeyn,  islamarkaasina loo baahan yahay in laga shaqeeyo horumarinta bulshada.


Munaasibada ayaa intii ay socotay ayaa waxaa ka hadlay dad fara badan oo isugu jiray aqoonyahano, cuqaal, isimo, dad matalayey qeybaha bulshada iyo waliba siyaasiin caan ah, kuwaasi oo dhammaantood ka sinaa taageerada iyo dhiiragalinta dhaqdhaqaaqyada maamulka Azaaniya, waxaana ka mid ahaa dadkaasi Cumar Aadan oo ka mid ah siyaasiinta Soomaalida ah ee ka soo jeeda wadanka Kenya, waxaana uu sheegay in ay dowladda Kenya garab taagan tahay hirgalinta maamulka Azaaniya.

“Waxaan idiin sheegayaa Kenya wax dan ah iyada oo aan ka lahayn ayaa waxaa ka go’an in maamul loo sameeyo sadexda gobol ee kala ah labada Jubbo iyo Gedo, waxaana ay garab taagan tahay maamulka Azaaniya ee uu madaxweynaha ka yahay Prof: Gaandhi,” ayuu yiri Cumar Aadan oo ka mid ah siyaasiinta Kenya.

“Midnimada dadka ka shaqeynaya waa in la taageero, aniga aragti ahaan ilama wanaagsana in la mucaarado dadkaasi, guud ahaanteena waxaan u baahan nahay waa wadankeena oo nabad ah oo oo ay dowladnimo buuxdo ka jirto,” sidaasi waxaa yiri Sadiiqa Warfaa, oo ka mid ah shaqsiyaadka u dhaqdhaqaaqa Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota oo isaguna ka hadlay goobta.

Madaxweynaha maamulka Goboleedka  Azaania Maxamed Cabdi  Gandhi, ayaa ugu dambeyntii ka hadlay munaasibadan lagu xusayey sanad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay maamulkiisa, waxaana Prof, Gaandhi, uu ka hadlay dhowr arimood oo ka mid yihiin dagaalada ka soconaya gobolada Jubooyinka iyo gedo iyo maamul u sameynta goboladaasi, isagoo sheegay in maamulkiisu uu isku dayey islamarkaasna uu dadaal fara badan uu u galay sidii kooxda Al Shabab looga xoreyn lahaa goboladaasi, iyo waliba sidii maamul buuxo gobol waliba loogu sameyn lahaa.

Madaxweynaha Azaaniya, ayaa tiriyey deegaano dhowr ah oo ku yaala qeyb badan oo ka mid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo laga saaray kooxihii Islaamiyiinta ah ahaa oo horey halkaasi u maamuli jiray, isagoo intaasi raaciyey in deeganada kale ee ay wali ku harsan yihiin dhawaan laga saari doono.

Prof: Gaandhi, ayaa mar uu ka hadlayey xiriirka ka dhexeeya maamulkiisa iyo kooxaha kale ee islaamiyiinta ah ee iyaguna ka dagaalamaya deeganada maamulkiisu ku magacaaban yahay ee Ahlu-sunna iyo Raaskambooniyiinta, ayaa waxaa uu sheegay in uu jiro qorshe lagu dhexdhexaadinayo maamulkiisa iyo kooxahaasi, kuwaasi oo uu garwadeen ka yahay urur goboleedka IGAD.

“Kadib markii dowladda Soomaaliya ay iska dhagatirtay guud ahaan arimaheena ayaa waxaa ay dantu nagu qasabtay in aan ururka IGAD u bandhigno, oo aan ka codsano in ay na dhexdhexaadiyaan inaga iyo kooxaha kale ee Islaamiyiinta ah, sida Ahlusunna iyo Raaskaambooniyiinta, islamarkaasna arinta laga dhigo mid gobol,” ayuu yiri Prof: Gaandi.




Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota