4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Shirkii Geeska Afrika oo lagu soo gebagebeeyay Magaalada Lund (SAWIRRO)


Axad, June 10, 2012(HOL): Shirkii looga hadlayay arrimaha ammaanka iy o nabadgelyada dalalka Geeska Afrika ee ka socday Magaalada Lund ee dalka Sweden ayaa maanta la soo gebagebeeyay, iyadoo uu socday muddo seddex maalmood ah.

Ergooyin ka kala yimid dalalka Somalia, Ethiopia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Shaqsiyaad ka socday Ururro shirka lagu casuumay ayaa ka qeybgalay.

Shirka ayaa maalintii ugu horreysay looga hadlay ammaanka iyo Nabadda dalalka Geeska Afrika, iyadoo maalintii koowaad uu shirka isugu jiray furitaan iyo khudbado gogol xaar u ah waxyaabaha la qorsheeyay in shirka looga hadlo maalmaha xiga.


Maalintii shalay ahayd ayaa madasha shirka waxaa ka dhacay doodo aad u xiiso badan oo ku saabsanaa Doorka bulshooyinka gudaha wadamooda ku nool ay saameyn ugu yeelan karaan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda. Doorka ay Warbaahinta ku yeelan karto nabadda iyo colaadaha. Sidoo kale waxaa aad looga dooday doorka ay beesha caalamka ku yeelan karto geeddi-socodka nabadda gudaha ee wadamada Geeska Afrika.

Inkastoo doodaha oo dhan ay ahaayeen kuwo ka qeybgalayaasha ay si saraaxad leh oo cilmiyeysan ay uga doodeen, haddana waxaa aad u xiiso badneyd dooddii ku saabsaneyd doorka warbaahinta ee ku aaddan nabadda iyo colaadda.

Sidoo  kale waxaa sanadkan xiiso goonni ah lahayd in ay shirka ka soo qeybgaleen Diblumaasiyiin iyo aqoonyahanno ka socday Waddamada Jabuuti, Suudaan Eritrea iyo South Sudan, kuwaasi oo si weyn uga dooday murannada u dhaxeeya wadamadaas, xiriirrada ay leeyihiin iyadoo intaas kaddibna ay ka qeybgalayaasha su’aalo weydiiyeen diblumaasiyiinta iyo aqoonyahannada.

Shirkan oo ah mid sanad kasta la qabto ayaa waxaa looga hadlaa arrimaha waddamada Geeska Afrika, iyadoo sanad kasta lagu soo qaado umuuraha markaas taagan.


Gunaanadkii shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobo wax ku ool ah oo ka soo baxay doodihii laga yeeshay ammaanka iyo nabadda gobollada geeska Afrika, waxaana doodahaas ahaayeen kuwo xiiso badan oo ka qeybgalayaasha ay si saraaxad leh uga doodeen.
























C/llaahi Jaamac oo sanad walba si weyn isugu howla qabashada shirka Geeska Afrika ayaa hadal kooban ka jeediyay xiritaanka shirka, wuxuuna si guud ugu mahadceliyay ka qeybgalayaasha shirka, si gaar ahna wuxuu ugu mahadceliyay Ambassador Count Pietersen oo ahaa shir guddoonka guud ee shirka, wuxuuna sheegay in uu Ambassador Count uu muddo dheer kala soo shaqeynayay qabsoomidda shirka Geeska Afrika.

Sidoo kalena Liibaan Cali Wehliye oo ka tirsan qabanqaabiyayaasha shirka Lund ee sanad kasta la qabto ayaa hadal ka jeediyay xiritaanka shirka, wuxuuna u mahadceliyay ka qeybgalayaasha shirka oo meelo kala duwan oo caalamka ah ka yimid, wuxuuna ku dhawaaqay in uu shirka xiran yahay.

Waxaa xusid mudan in Hailee Araya oo ah fannaanad da’ yar oo ka soo jeedda dalka Itoobiya ay gunaanadkii shirka ka qaadday labo heesood oo aad u macaan, kuwaasi oo ay ka qeybgalayaasha shirka si weyn ula dhaceen.









Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Lund, Sweden