4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Ciidamada Jabuuti ay ka qayb-qaadan doonaan dib-u-hishiisiinta

Axad, July 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka warbixiyay xaaladaha amaanka iyo siyaasada gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada maamulka gobollka oo kaashanaya kuwa Itoobiya ku guuleysteen in ay wax badan ka qabtaan amaanka magaalada Baladweyne oo hadda sida uu hadalka u dhigay ah mid leysku haleyn karo.

"Waxaan dib u habeyn ku sameynay laamahii nabad-galyada, waxaana magaalada ka hergalinay ilaa afar saldhig baliis, madaama markii hore magaaladu ay laheyd hal saldhig baliis, laakiin hadda waa ay balaaratay magaalada, sidaa daraadeed lagama maar-maan ayeey noqontay in aynu badino saldhigyada ciidamada si nabad-galyada wax badan looga qabto,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Mar uu soo hadal qaaday howlgalka ciidamada Jabuuti ee ka tirsan kuwa midowgga Africa oo hadda tiro kooban oo hore dhac ah ka joogaan magaalada Baladweyne waxaa uu sheegay in ciidamadaasi aheyn oo kaliya kuwa qeyb ka qaadan doona howlgalada militari, laakiin gacan ka geysan doonaan nabadeynta iyo dib u hishiisiin laga dhax abuuro qeybaha bulshada ku wada dhaqan gobolka Hiiraan.

"Sida aad la soctaan ciidamada Jabuuti marka laga soo tago magaca AMISOM oo ay ku howlgalayaan waxaa jira magac madaxweynaha Jabuuti u bixiyay oo ah ‘’Hiil Walaal’’ sidaa daraadeed gacan ayeey ka geysan doonaan adeegyada bulshada sida dib u hishiisiinta,’’ ayuu yiri C/fitaax Xasan.

Waxaa uu sheegay in kulamo badan uu la qaatay mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti iyo saraakiisha hogaamineysa ciidamada dhamaantoodna ay ka wada hadlleen shaqada ciidamada Jabuuti ee la filayo in ay ka howlgalaan gobollka Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan waxaa uu sidoo kale ka hadllay waxa maamulkiisa uga qorsheysan dhalinyarrada ka tirsan kooxda Al-shabaab ee wali ku harsan qeybo ka mid ah gobollka, isaga oo sheegay in ujeedada maamulkiisu aheyn oo kaliya in dagaal wax lagu xaliyo.

"Qorshaheenu ma’aha in aan dagaal oo kaliya wax ku xalino, dhinacyo badan oo looga wareegi karo dagaal ayaa jira, marar badan nabad ayaan ku baaqnay haddana wali waan ku baaqeynaa, walow ragga naga soo horjeeda ay dagaal go’aansadeen,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dhinaca gargaarka waxaa uu sheegay in hay’adihii samafalka dib shaqadoodii u bilaabeen, isaga oo tusaale u soo qaatay hay’’adda Save The Childaren oo uu sheegay in ka badan 10, 000 oo qoys in ay siiso bil walba lacago biil ah oo loogu badalay gargaarkii kale ee la siin jiray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hay’addo ay ka mid yihiin ICRC, UNHCR, iyo UNICEF ka wadaan magaalada howlihii gargaarka, kuwa kalana la rajeynayo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan shaqadooda u bilaabaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya