4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
Howlgallo ay Ciidamada Dowladda KMG ka sameeyeen Magaalada Muqdisho oo lagu soo qab-qabtay Kumannaan Dhallinyaro ah
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ka mid ah saraakiisha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in 3,000 oo dhallihyaro ah lagu qabtay howgallo ay ciidamada dowladda KMG ah ka sameeyeen Muqdisho, iyadoo 235 ka mid ah la sheegay in la ogaaday inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Jen. Gacma-duulle ayaa sheegay in howgalladan ay ahaayeen kuwo laga sameeyay degmooyin si gaar ah loogu tuhmayay inay ku sugan yihiin xubno Al-shabaab ka tirsan isagoo xusay in dad badan oo lagu waayay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab lasii daayay.

"Dadka howgallada lagu qabtay waxay gaarayaan 3,000 oo qof, waxaana lagu helay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab 235 ka mid ah, sharciga ayaana la horgeyn doonnaa," ayuu yiri Jen. Gacma-duulle oo u warrramayay BBC-da.

Jeneraalka oo la weydiiyay sababta howgalladan loo sameeyay ayaa sheegay inay yihiin kuwo lagu sifeynayo Muqdisho, wuxuuna xusay in sidoo kale howgalladan lagu raadinayo dadka hubeysan ee dhibaatooyin isugu jira dilka iyo dhaca u geysta shacabka ku nool Muqdisho.

"Dad kale oo iskood u labistay oo hubeysan ayaa lagu qabtay howgalka, waxaana loo gudbin doonnaa maxkamadda, howgalladuna way socon doonaan inta amaanka Muqdisho laga xaqiijinayo," ayuu yiri jeneraalka oo sheegay in howgalladan ay si wadajir ah u sameynayaan ciidamada booliiska, kuwa nabadsugidda iyo milateriga.

Howgalladan oo xooggooda maanta la sameeyay ayaa waxaa laga sameeyay dhowr degmo oo ay ka mid yihiin: Huriwaa, Yaaqshiid, Dayniile iyo Wardhiigley kuwaasoo ay ka dhacayeen maalmihii ugu dambeeyay iska horimaadyo qaraxyo.

Ugu dambeyn, goobjoogayaal ayaa sheegay in garaashyo ku yaalla degmooyinka laga sameeyay howgallada la isugu geeyay dad aad u fara badan, kuwaasoo qaar ka mid ah laga soo qabtay goobo ganacsi oo ay ku sugnaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya