4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Col. Farey oo maanta Gaalkacayo lagu aasay iyo dowladda Puntland oo dilkiisa ka tacsiyeysay

Talaado, July 31, 2012 (HOL) - Qabuuraha Cir-jiife ee magaalada Gaalkacayo waxaa duhurnimadii maanta lagu aasay AHN nabadoon Cabdilaahi Maxamed Xasan (Farey) iyo walaalkiis Cismaan Maxamed Xasan, kuwaas oo ay xalay dabley Baaskoolado ku hubeysni ku dileen gudaha xaafadda Israac.

Aaska nabadoonka waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu sareysa maamulka gobolka Mudug ee Puntland, kan degmada Gaalkacayo, in badan oo kamid ah waxgaradka gobolka iyo dadweyne kale oo fara badan.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo aaska kadib saxaafadda shir ugu qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaas geystey.

Wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacayo iyo guud ahaan gobolka Mudug in ay meel uga soo wada jeestaan, sidii looga hortegi lahaa cid walba oo amaanka iyo xasiloonida wax u dhimi karta.

" waxaa la joogaa xiligii ay bulshadu baraarugi lahaa, waxaa la joogaa xiligii ay bulshadu dhibkan ka dhiidhiyi lahayd, Cabdilaahi Fareyna maanta lama dilin ee waxaa la diley maalintii la laayey ragii isaga ka horeeyey" Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa yiri.

Dhinaca kale wasiirka cadaaladda iyo arimaha diinta ee Puntland Cabdikhaliif Xaaji Xasan (Ajaayo) oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyeeyey geerida Col.Farey iyo walaalkiis, wuxuuna eheladii iyo asxaabtii ay ifka kaga tageen ilaah uga baryey in uu samir ka siiyo, iyagana uu naxariistiisa ka waraabiyo.

Nabdoon Cabdilaahi Maxamed Xasan (Farey) oo horay u ahaan jirey Col ka tirsanaa saraakiisha ciidamada ee dowladii Mileteriga ahayd, kana mid ahaa waxgaradka ugu caansan gobolka Mudug, waxaa xalay salaadii Maqribka kadib lagu toogtey isaga iyo walaalkiis oo ay wada socdeen, banaanka hore ee masjidka Al-taqwa oo ku yaal xaafadda Israac.

1-dii bishan July ayey ahayd markii sidan oo kale Gaalkacayo loogu diley xeer ilaaliyihii maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Mudug Bashiir Cabdi Maxamed (Garas) , waxayna dhacdadani kusoo beegmeysaa xilli ay magaalada Gaalkacayo ku sugan yihiin, ciidamo badan oo ay dowladu halkaas u geysey si ay amaanka u xoojiyaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia