4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2012
Taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliiska Maamulka Puntland oo kooxo hubeysani ay ku dileen Magaalada Garoowe
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku toogtay xalay taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska Puntland, G/sare Cabdullaahi Saalax Nadaalo, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta loo dilay iyo cid dilkiisa ka dambeysay.

Taliye ku xigeenka la dilay ayaa waxaa xilka laga qaaday 01-dii bishan, wuxuuna dilkiisku ka dhacay agagaarka hoteel Bulshaale oo ku yaalla bartamaha Garoowe, iyadoo aan weli cidna loo qaban dilkiisa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqleen saddex xabbadood oo lagu dilay taliye ku xigeenka, iyadoo kooxihii dilkiisa ka dambeeyay ay si dhaqso ah goobta uga baxsadeen, waxaana tan iyo xalay socday baaritaanno ay sameynayeen ciidanka ammaanka Puntland.

"Dilkan wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana socda baaritaanno lagu raadinayo cidii fulisay iyo ciddii soo abaabushay," ayay saxaafadda u sheegeen saraakiil aan is-magacaabin oo ka tirsan booliiska Puntland.

Marxuum C/llaahi Nadaale oo 54-jir ah ayaa wuxuu dilkiisu qayb ka noqonayaa dhowr dil oo ka dhacay xaurnta Puntland ee Garoowe iyadoo maamulka halkaas ka jira uu inta badan ku eedeeyo dilalka qorsheysan ee deegaannadooda ka dhaca Xarakada Al-shabaab.

Weerarkan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad u xun, iyadoo aan weli la garan kooxihii geystay weerarkan, waxaana tani ay cabsi weyn gelisay dadka ku nool degmada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Puntland oo taageersan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa saldhigyo ku leh xoogag taabacsan Al-shabaab, iyadoo weli ay deegaanno ka tirsan maamulkaas ay ka dhacaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya