4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2012
Hay'adda Nabadsugidda DKMG ah oo Maanta soo Bandhigay Sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab sida ay labadan ruux u sheegeen warbaahinta.

Labadan ruux ee soo goostay ayaa lagu kala magacaabaa: Xasan Macallin Ibraahim oo ku magacdheeraa (Al-wajidi) oo sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa dhinaca dacwada gobollada Bay iyo Bakool iyo Yalaxow Xasan Calasoow oo  sheegay inuu ahaa askari muddo dheer ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

"Al-shabaab waxaa isaga soo bixiyay dhib la ii geystay, runtiina fikriyan waxaan u arkaan inay hadda qaldan yihiin, balse markii hore ee aan ka mid ahaa way ila sax-sanaayeen," ayuu yiri Xasan Macallin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay xireen muddo sideed bilood ah iyadoo aan loo sheegin sababta loo xiray isla markaana aan la raalligelin, isagoo xusay inuu aad uga soo horjeedo in dadka loo dilo si aan xaq ahayn.

"Waxaan ka codsanayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay iga cafiyaan dambiyadii aan ka galay," ayuu yiri sarkaalkan, isagoo sheegay inuu ogaaday khaladka Al-shabaab markii uu dibadda uga soo baxay.

Hadalka sarkaalkan ayaa wuxuu muujinayaa inuu aad uga carooday xarigga ay u geystay Al-shabaab sida uu sheegay, isagoo ugu dambeyn sheegay inuu dowladda KMG ah la shaqeyn doono wixii maanta laga billaabo.

Tan iyo sannadkii hore hay'adda nabadsugidda DKMG ah waxay soo bandhigaysay rag ay sheegtay inay Al-shabaab kasoo goosteen, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin jirtaanka xubnaha la sheegay inay kasoo goosteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya