4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2012
Shirkii Ansixinta Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo Maanta dib u billlaabanaya kaddib hakad ku yimid shalay
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Shirkii ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa maanta dib uga billaabanaya magaalada Muqdisho kaddib markii uu shalay ku yimid hakad, taasoo uu wasiirka dastuurku ku sheegay inay ahayd cillad farsamo oo dhinaca kambiyuutarrada ah.

Shirka oo maanta galaya maalintiisii saddexaad ayaa waxaa lagu wadaa in looga hadlo dastuurka oo la sheegay inay ku jiraan qodobbo dhowr ah oo ergadu ay ka biyo diidsan yihiin, balse madaxda DKMG ah ayaa horay u sheegay inaysan waxba ka bedeli karin waxna ku dari karin.

Ergooyinka ayaa waxaa loo qaybiyay dhowr koox iyadoo lagu wado inay si gooni-gooni ah kaga doodaan qodobbada dastuurka ee uu muranku ka taagan yahay, iyagoo calaameyn doona qodobbada ay u arkaan inay wax ka bedel u baahan yihiin.

Xildhibaannada soo socda ayaa lagu wadaa inay qodobbadaas dib u eegis iyo wax ka bedel ku sameeyaan, iyadoo looga fadhiyo ergooyinka inay sagaal maalmood ku ansixiyaan dastuurka qabyada ah oo ay madaxda dowladdu u arkaan midka ugu weyn ee looga gudbi karo xilliga KMG ah.

Dhanka kale, waxaa socda qoraalka xildhibaannada cusub ee dalku uu yeelanayo marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, kuwaasoo soo dooran doona madaxda dalka ee hoggaamin doonta dowladda joogtada ah ee ay Soomaaliya yeelanayso markii ugu horreysay 21-sano kaddib.

Ammaanka goobta uu shirku ka socdo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka kale ee Muqdisho la dhigay ciidammo ilaaliya, inkastoo wasiirka dastuurka uu horay u sheegay in hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta uu shirku ka socdo, kuwaasoo uu sheegay inaysan khasaare geysan, wax cabsi ahna aysan gelinayn ergada.

Ugu dambeyn, waxaa bam lagu qarxiyay mid ka mid koontaroollada laga ilaaliyo xarunta uu shirku ka socdo, iyadoo ay u muuqato xukuumaddu inay falalkaas oo dhan u noqdeen kuwo ay ku tusaale qaadato ayna adkeysay ammaanka jidadka soo gala xarunta shirku ka socdo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya