4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Maamulka Somaliland oo sheegay inuu hakiyay Wadahadalkii uu kula jiray Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar (Cirro) ayaa sheeagy maanta oo Jimco ah inay si KMG ah u hakiyeen wadahadalladii ay kula jireen dowladda KMG ah ee Soomaaliya.


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland
Wasiirka oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in sababta ay wadahadallada u hakiyeen ay tahay doorashooyinka loogu tartamayo xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ka socda magaalada Muqdisho.

"Labada geesoodba waxay aad u daneynayaan in wadahadalladan lagu najaxo, ha yeesheen Koonfur waxaa ka socda loolan siyaasadeed oo loogu tartamayo xilka madaxnimo ee Soomaaliya, innagana waxaanu jecelahay inaan fursad siinno xubnihii  wadahadallada nala billaabay, inta loolankan uu soo dhammaanayana aan halkaas kala sii wadno maamulka cusub ee dhalanaya," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Sidoo kael, wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadan ay tahay mid ay ku doonayaan inay Soomaaliya ku siiyaan fursad si aan looga jeesan howsha socota, waana arrin aan kala tashanay bulshada calaamka ee goobjoogka ahaa wadahadallada, Isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay doorashooyinku kusoo dhammaan doonaan jawi nabadeed.

"Labada dhinacba raalli ayaan ka ahayn wadahadallada, innagu illaa hadda raalli ayaan ka nahay inay wadahadalladu sii socdaan, hase yeesheen tartanka iminka socda oo ah mid xoog leh oo la doonayo in muddo gaaban lagu soo gabagabeeyo awgeed ayaan u hakinay wadahadallada balse ma ahan inaan wadahadallada oo dhan joojinnay," ayuu yiri wasiirka oo ka jawaabayay su'aal ahayd sababta ay u joojiyeen wadahadalka iyagoo ogaa markii horeba inay la hadlayeen dowlad KMG ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland wuxuu sheegay inay wadahadallada lasii wadi doonaan dowladda cusub ee dhalata, isagoo xusay inay labada gaareen qodobbo iyo heshiisyo caalami ah, wadahadlladana waxaa labada dhinac u mateli doona hadba dowladdii joogta.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu ka hadlay shir ay Xarakada Islaax ku yeesheen magaalada Hargeysa, kaasoo xubno ka tirsan ururka jagooyinkii looga qaaday, isagoo sheegay in shirkaas uu u dhadhamay arrimo siyaasadeed, isagoo sheegay in aan Somaliland laga ogoleyn kooxo abuubulan oo arrimaha Soomaaliya uga hadlaya qaab siyaasadeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya