4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Safiiraddii dalka Venezuela u fadhiday Kenya oo maydkeeda laga helay Nairobi
Jimco, July 27, 2012 (HOL) - Haweenaydii ahayd safiirka dalka Venezuela u joogta Kenya Olga Fonseca ayaa laga helay maydkeeda guriga ay daganayd oo ku yaallay xaafada Runda ee magaalada Nairobi.

Olga Fonseca ayaan la xaqiijin sida ay ku dhimatay inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan in la sumeeyay amaba la ceejiyay.

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi
Anthony Kibuchi ayaa saxaafadda u sheegay in wali ay socdaan baaritaan lagu ogaanayo qaabka loo dilay haweenaydan, iyadoo loo qabtay dilkeeda 4 qof oo Kenyaati ah kuwaasoo kamid ahaa shaqaalahii gurigeeda.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soconayay buuq u dhexeeya qaar kamid ah shaqaalaha safaarada oo Kenyaati ah iyo
Olga Fonseca oo iyadu dhawaan shaqada kala wareegtay safiirkii iyada ka horreeyay.

Shaqaalaha Kenyaanka ah ayaa dacwad ka geeyay safiirkii hore ee dalka Venezuela
ambassador Gerarto da Silva oo ay ku eedeeyeen inuu isku dayay falal anshax xumo ah, sida kufsi iyo waxyaabo kale, waxaase arrintan ka hortimid safiiradda cusub ee la dilay oo shaqadii ka eriday dhammaan dadkii dacwadaha soo joodiyay, taasoo markii dambe isu badashay buuq hareeyay safaarada.

Ma cada wali cida ka dambaysa dhimashada safiirada
Venezuela, waxaase madaxweynaha dalkaasi Hugo Chavez uu ku eedayaa Maraykanka iyo Israel inay maleegayaan weeraro ka dhan ah dalkiisa, isagoo dhowr goor oo horana ku eedeeyay Maraykanka inay isku dayeen shirqoollo lagu khaarajinayo.

Venezuela ilaa iyo hadda wax war kama soo saarin dilka safiiradoodii magaalada Nairobi, waxaase ay Kenya ballan qaaday inay soo qaban doonto cidii ka dambaysay.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya