4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2012
Shirweynihii Ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo maalintii galay iyadoo laga doodayo Qodobbada Dastuurka Cusub

Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Shirweynihii ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa maalintii labaad galay iyadoo ergadu ay ka doodayso qodobbada dastuurka, inkastoo aysan awood u lahayn inay wax ka bedel ku sameeyaan.

Shirkan oo socon doona sagaal maalmood ayaa waxaa looga fadhiyaa ergada inay dastuurkan qabyada ah ansixiyaan, waxaana markaas kaddib ay gudo geli doonaan sidii ay u soo xuli lahaayeen xildhibaannada cusub ee Soomaaliya oo wax ka bedeli doona dastuurka soona dooran doona hoggaanka dowladda cusub ee Soomaaliya.

"Dastuurka wixii khalad ah ee aad ku aragtaad waa inaad caleemeysaan, si loo horgeeyo xildhibaannada cusub," ayuu madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh uu ku sheegay khudbad uu furitaankii shirka ka jeediyay shalay.

Wararka laga helayo goobta uu shirku ka socdo ayaa waxay sheegayaan inay ku sugan yihiin xubno kormeerayaal oo ka socda beesha caalamka, sidoo kalena ay ku sugan yihiin guddigii farsamo ee loo saaray xulista ergooyinka.

Sagaalka maalmood ee uu shirku socdo ayaa waxaa laga yabaa inay dooddo kulul dhexmaraan ergooyinka maadaama ay jiraan qodobbo ka tirsan dastuurka oo weli uu muran ka taagan yahay, waxaase looga fadhiyaan ergadan inay si duu-duub ah ku ansixiyaan dastuurka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa khubadiisii shalay uu furitaanka shirka ka jeediyay ku sheegay in dastuurka oo la ansixiyo ay tahay mid fududeynaysa inay Soomaaliya ka guurto xilliga KMG ah ayna u guurto xilli cusub oo ay yeelato dowlad joogto ah.

Ansixinta dastuurka ayaa waxaa barbar socda xulista xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo laga sugayo inay ergooyinku ku dhawaaqaan, maadaama ay bisha Ogoosto ee sannadkan ku egtahay xilliga ay dowladda KMG ah shaqeynayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya