4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2012
Warbixin ku saabsn Furitaankii Shirka Ansixinta Dastuurka iyo Hadalladii ay Madaxda Dowladdu ka Jeediyeen (SAWIRO)

Arbaco, July 25, 2012 (HOL) — Shirka ansixinta dastuurka ee maanta ka furmay Muqdisho ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana mas'uuliyiintii hadlay oo dhan ay ku tilmaameen guul la gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif, afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan, ra'iisul waasaraha C/weli Gaas iyo Mahiga oo hadalo dhaadheer ka jeediyay kulanka ayaa waxay intooda ku tilmaameen maalin taariikhi ah shirka lagu ansixinayo dastuurka.

"Dastuurkan waa mid ka tarjumaya mustaqlka Soomaaliya, waana qodobka ugu muhiimsan qoshaha looga baxayo xiliga KMG ah marka la gaaro bisha Ogoosto ee Sanadkan," ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku yiri hadalkii uu ka jeediyay furitaanka shirka.



Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay ergada u fadhiya ansixinta Soomaaliya ee qabyada ah inay yihiin kuwii labaad oo loosoo xulo inay ansixiyaan dastuur ay Soomaaliya yeelato, isagoo sheegay in dastuurkii lixdankii ay ansixiyeen ergooyin lasoo xulay, inkastoo sannad kaddib loo qaaday afti dadweyne.

"Oday walba oo fadhiya shirkan wuxuu wakiil ka yahay 13,000-qof oo Soomaali ah, marka waa inay ogaadaan mas'uuliyada saaran waana inay ka shaqeeyaan sidii uu ku howgeli lahaa dastuurka," ayuu yiri ra'iisul wasaarah.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku booriyay ergada ansixinta dastuurka iyo soo xulista xildhibaanada cusub inay tixgeliyaan waqtiga yar ee ka harsan sidii looga bixi lahaa xiliga KMG ah.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xukuumadiisa ugu magacdaray Badbaado Qaran ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo golihiisa wasiirrada oo uu ku sheegay inay yihiin kuwii dalka ka saaray Al-shabaab. Isagoo sidoo kale u mahadceliyay guddiga qoraalka dastuurka qabyada ah.



Danjire Augustine Mahiga oo isaguna hadal ka jeediyay inaan la iloobin saamiga ay haweenku ku leeyihiin dowlada, isagoo sheegay in shirkan lagu qabto Muqdisho ay dadaal badan u soo galeen, ayna ugu dambeyn ku guuleysteen.

Shariif Xasan Sheekh Aadan: Afhayeenka baarlamaanka ayaa isaguna hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaaliya uu iftiin u baxay loona baahan yahay in la hirsado iftiinkaas.

"Farxad ayay inoo tahay inaan maanta u fadhinno shirka lagu ansixinayo dastuurka qaybayada ah ee Soomaaliya," ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in dastuurkan uusan ahayn mid dhameystiran balse waa billow fiican oo Soomaaliya ay heshay.

Shariif Xasan wuxuu u mahadceliyay dowladaha ay ka socdaan ciidamada AMISOM isagoo sheegay in deegaannada gacanta ku jira laga qaban doono, isagoo rajo ka muujiyay in haddii dastuurka la ansixiyo ay Soomaaliya dhibaatada ka bixi doonto.



"Ummadda Soomaaliyeed waa inay is-cafiyaan; isna ogolaadaan si ay uga gudbaan dhibaatooyinka muddada lagu soo jiray - midnimadeeda iyo qarannimadeeda ay ku dadaasho kala go'na aan meelna lagu gaarayn," ayuu Shariif Xasan kusoo xiray hadalkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed: Maanta waxay noo tahay maalin taariikhi ah iyo fursad weyn oo la gaaray. Dastuur la'aan dowlad lama ahaan karo ayuu hadaladiisa ku bilaabay, isagoo sheegay inuu u mahadcelinayo dhamaan intii gacan ka geysatay diyaarinta dastuurka.

Sheekh Shariif wuxuu odayaasha ka dalbaday inaysan iloobin haweenka, isagoo ka dalbaday odayaasha in dadaal fara badan geliyaan ansixinta dastuurka, isagoo sheegay inay taasi sharaf u tahay iyaga, dowlada iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

"Wixii khaldan ee dastuurka ku jira waa inaad isla garataan oo aad calaameysaan si baarlamaanka soo socda uu wax uga bedelo," ayuu yiri Shariif Sheekh oo ka dalbay odayaasha inaysan fiirin xilliga dhow ee aan fiiriyaan mustaqbalka soo socda.


Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay inuu shirku si ramsi ah u furan yahay ayaa sheegay in Soomaaliya ay gacmaheedu isgaareen loona baahan yahay in la isku celiyo, loogana faa'iideeyo khayraadka dalkeeda ku buuxa.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya