4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Xisbiga UDUB oo Muddooyinkii u dambeeyey uu khilaaf hareeyay oo sheegay xilliga uu qabsoomi doono Shirweynihii Golahooga Dhexe
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB oo laba garab u kala jabay ayaa shaaciyey wakhtiga ay shirweynahoodda golaha dhexe qabsoomi doonaan.

Ku simaha xoghayaha guud ee xisiga UDUB Mr:CabdiXaliim Maxamed Muuse,ayaa sheegay in bisha Agoosto 25 keeddii ee sanadkan uu qabsoomi doono shirweynahoodii golaha dhexe ee xisbiga UDUB ee Somaliland.

“Annagoo raacaya xeerka guud ee xisbiga UDUB Qod. 16.4 xarafka J & X, waxaan anigoo ka wakiil ah guddida fulinta iyo golaha dhexe ku dhawaaqayaa kuna war-galinayaa xubnaha golaha dhexe ee bahweynta ee xisbiga UDUB in la qaban doono shirkii golaha dhexe, kaas oo lagu qaban doono Magaaladda Hargeysa ee caasimada Somaliland 25 August 2012.”ayaa  ku simaha xoghayaha guud ee xisbigaasi ku sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xisbigaasi.

“Sidaasi darteed shirkaasi oo muhiim u ah dhismaha iyo dardargelinta xisbiga UDUB oo in muddo ah uu ka dhex jiray khilaaf dhexdiisa ahi, waxaan ku adkaynaynaa xubnaha golaha dhexe meel kasta oo ay joogaan inay isu diyaariyaan ka qeybgalka shirkaasi”ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka ka soo baxay garabka uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbigaasi Daahir Rayaale Kaahin.

Xisbiga UDUB ayaa mudooyinkii u dambeeyey khilaaf xoogan oo dhexdooda ka jiray u kala qaybsamay laba garab oo ay kala hogaaminayaan gudoomiyaha xisbiga Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa oo isna garab kale hogaaminaya Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu khilaafkaasi keenay inuu hawlihii xisbiga uu meesha ka baxay, maadaama oo la galayo Doorashaddii  golaha deegaanka ee Somalilnad, kuwaas oo xisbi waliba soo bandhigayey musharaxiinta uga qaybgali doona doorashooyinkaasi soo socda balse ilaa hadda xisbiga UDUB wax xildhibaano ah oo doorashada uga qaybgalaya ma soo bandhigin, iyadoo ay dalka ka jiraan sagaal urur siyaasadeed oo tartanka ka qaybgali doono oo mid waliba doonayo inuu taageero badan ka helo dadweynaha looguna codaynayo xisbi waliba musharaxa uga qaybgalaya doorashooyinkaasi, laguna kala reebi doono doorashadan soo socota oo ay ka soo hadhi doonaan saddex xisbi oo qudha, halka ay imika yihiin sagaalka urur.

Inkastoo, garabka gudoomiyaha xisbiga UDUB ku dhowaaqeen shirweynihii golaha dhexe oo lagu dardargalinayo xisbiga, balse garabkii kale ilaa hadda kama ay hadal shirweynahaasi, maadaama oo aan wali lagu heshiin xisbiga, haseyeeshee xisbigan oo ah xisbigii hirgaliyey doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland ka hirgashay, taariikh badana ku leh dalka ayaa dadweynuhu ka cabsi qabaan inuu meesha ka baxo, haddii uu khilaafkoodii sii socdo oo ka hor inta aan la gaadhin shirweynahan lagu balamay la soo afjarin muranka xisbiga gudihiisa ka jira.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland