4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Kulan looga hadlayay sidii lagu furi lahaa Safaaradda Somalia ee dalka Koonfur Afrika oo lagu qabtay Magaalada Cape Town

Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Munaasabad afur ah oo ka dhacday hoteelka Capetonian ee ku yaalla xeebta magaalada Cape Town ee Gobolka Western Cape ayaa looga hadlay sidii lagu furi lahaa safaaradda ay ku yeelanayso Soomaaliya dalka Koonfur Afrika.

Kulankan ayaa daba socday kulammo maalmihii ugu dambeeyay ay yeelanayeen Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, waxaana kulankan ka qaybgalya qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, iyadoo diiradda lagu saaray furitaanka safaaradda Soomaalida ee Koonfur Afrika.

Maxamuud Guutaale oo ka mid ahaa qaban-qabiyaasha xafladda ayaa mahad-celin kaddib sheegay in safaarada Soomaaliya ay u baahan tahay garab isla markaana meesha ay ku howl-gali lahayd dhismaheeda iyo qalabkii lagu shaqeyn lahaa loogu fadhiyo Soomaalida shaqada loo qaban lahaa.

Cabdi Cali Bisle oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaalida ayaa isaguna ka dhawaajiyay in Soomaaliya aysan weligeed safaarad ka furan dalka Koonfur Afrika, waxaana xigay Maxamed Ibraahin Maxamed Salool oo ku hadlayay magaca ganacstada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa tibaaxay in muddo 10-sano ka badan uu jooga Koonfur Afrika uuna aad ugu faraxsan yahay in safaarad ay leedahay Soomaaliya laga furo dalkaas.

Waxaa xusid mudan in madasha uu shirku ka dhacay ay ahayd halkii lagu qaabilay safiirka Soomaaliya u fariisanaya dalka Koonfur Afrika, Sayid Xasan Shariif uuna kaga dalbaday Soomaalida dalkaas ku nool inay gacan ka geystaan sidii lagu furi lahaa safaaradda cusub ee Soomaaliya.

Safiirka ayaa socdaallo ku bixiyay qaybo badan oo dalka Koonfur Afrika ka tirsan, kuwaasoo si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaa la saaray shan guddi oo la shaqeeya safaaradda, dadkii maanta xafladda kasoo qeybgalayna waxay ahaayeen guddigii laga magacaabay Cape Town.

Waxaa sidoo kale xafladda laga shaaciyay in la xaliyay muran yar oo lagu sameeyay guddiga, wixii hadda ka dambeeyana horay loo talaabsan doono; iyadoo gebi ahaan meesha laga saaray is kooxeysiga loona talaabsaday markan in la dhisto Qaranka Soomaaliya maadaama uu ku filan yahay dhammaan dadka Soomaaliyeed.

"Pretoria waxay marti galisaa safaaradaha ugu badan adduunka marka laga yimaado Washington. Koonfur Afrika waxay ku jirtaa golaha ammaanka Qaramada Midoobay kursi joogta ahna way ka raadsanaysaa, waxaa ku yaala baarlamaanka Afrika, dhawaana guddoonka Midowga Afrika waxaa loo doortay Dr. Nkososani Dlamini-Zuma oo ah wasiiradda arrimaha gudaha Koonfur Afrika, waxaas oo dhan waxay ka dhigan yihiin in halkan (Koonfur Afrika) ay tahay masrax caalami ah oo marnaba aysan Soomaaliya ka maarmin in loo matalo. Danjire Sayid Shariif waa shaqsiga ugu haboon ee halkan Soomaaliya u matali kara inta aan ka arkay," ayuu yiri C/naasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxan-saxo) oo ah saxafi ku sugan Pretoria.

Si kastaba ha ahaatee; waxgaradkii isugu yimid shirka magaalada Cape Town ayaa waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika, taasoo ay sheegeen in looga gudbi karo caqabado badan oo Soomaalida ku nool Koonfur Afrika hortaagan.

Maxamed Muuse Nuur (Deeq-darajo)
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika