4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Guddoomiye dhawaan ay DKMG u Magacaawday Maamulka Degmada Baladweyne oo baaq u diray Hay'addaha Samafalka
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha dhawaan dowladda KMG Soomaaliya u soo magacaawday maamulka degmada Baladweyne, Xuseen Ibraahim Cabdi  (Gurey) ayaa markii ugu horreysay baaq u diray hay’addaha samafalka ka howlgala magaalada.

Guddoomiyaha cusub oo ka mid ahaa xubnihii uu horkacayay guddoomiyaha gobollka ee maalin ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Baladweyne, ayaa ugu baaqay hay’adda in ay dib bilaabaan howlahoodii dhinaca samaaflka.

"Waxaan rabaa in aan baaq u jeediyo hay’addaha samafalka ka howlgal magaalada, waxaan leeyahay waa in aad si sharuud la’aan ah dib ugu bilaawdaan gargaarkii aad siin jirteen dadka dhibaateysan wali xiligan adag,’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baladweyne.

Waxaa uu sheegay in magaaladu tahay mid amaan ah islamarkaana maamulku diyaar u yahay in uu ka gacan siiyo hay’addaha samafalka dhinaca nabad-galyada inta ay ku guda jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo.

Magaalada Baladweyne waxaa ka howlgal oo xafiisyo ku leh inta badan hay'addaha ka shaqeeya dhinaca samafalka, waxaana xusid mudan in hay'adda ICRC maalmihii ugu danbeeyay gargaar kala duwan u qeybisay qaar ka mid ah dadka ku dhibaateysan xeryaha barakacayaasha.

Baaqan uu jeediyay guddoomiyaha dowladda dowladda KMG u soo magacaawday maamulka degmada Baladweyne ayaa ku soo beegmay xili xalaado dhinaca nolasha ah ay ka cabanayaan dadka ku jira xeryahay barakacayaasha magaalada Baladweyne oo codsanaya in la soo kaalmeeyo bisha barakacyesan ee Ramadaaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne. Soomaaliya