4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Maamulka Gobolka Bay oo xabsiga dhigay Maanta howlwadeeno ka tirsanaa Hay'adda Samafalka Islaamic Relief
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay maanta hawl-wadeenno u shaqeynayay hay’adda samafalka ee Islamic Relief iyo nin ganacsade ah.

Howlwadeennada la xiray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa: Nuuradiin Maxamed Cabdow iyo Cabdulqaadir Maxamed Cali ayaa waxay ka howlgalayeen xafiiska ay hay'addu ku leedahay degmada Baydhabo, waxaana sidoo kale lala xiray ganacsade magaciisa lagu soo koobay Sheegow; iyadoo aysan jirin war kasoo baxay dhinaca maamulka oo ku saabsan sababta loo xiray saraakiishan.

Saraakiishan ayaa hay'adda u qaablisanaa dhinaca horumarinta, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan hay'adaha samofalka ay xabsiga dhigaan mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bay.

Hay'adda Islamic Relief ayaa waxay ka mid tahay hay'adaha ka howlgala gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay weli intooda badan ka taliso Xarakada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale aysan hay'addu ka hadlin xariga xubnahan ka midka ah saraakiisha.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen horraantii sannadkan xoogagga Al-shabaab oo ka talinayay muddo saddex sano ah.

Bishii May ee sanadkan ayay ahayd markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dileen degmada Baydhabo sarkaal u shaqeynayay hay'adda Islamic Relief oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Axmed Fanax.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya