4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
NATO oo Beesha Caalamka Weydiisatay inay qayb ka qaataan sidii lagu Cirib-tiri lahaa Burcadbadeedda Soomaaliya
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Isbahaysiga NATO ayaa beesha caalamka weydiistay inay qayb ka qaataan sidii loo ciribtiri lahaa burcadbadeedda Soomaaliya, iyagoo sheegay inay aad hoos ugu dhigeen weerarradii burcad-bdeedda ay ka fulin jireen biyaha Soomaaliya iyo kuwa ku dhow.

Isbahaysiga NATO oo ay ku mideysan yihiin dalalka reer galbeedka ayaa waxaa kaga sugan xeebaha Soomaaliya maraakiib dagaal oo la dagaalama burcadbadeedda si ay u baajiyaan afduubyada ay ka geysanayaan marinnada biyaha sida Gacanka Cadan oo ay maraan kumannaan maraakiib ah sannad walba.

"Guulo la taaban karo ayaan ka gaarnay sidii laciifin weerarradii ay geysan jireen burcad-badeedda Soomaaliya, laakiin beesha calaamka waa inay joogteeyaan fikir  is-dhaafsiga iyo dadaallada si loo ciribtiro dhibaatada," ayuu yiri Ben Kekkering oo ah taliyaha ciidamada la dagaalanka burcaadbadeedda ee NATO.

Hay'adda badaha caalmaka ee IMB ayaa sheegtay in tan iyo markii uu sannadkan biloowday ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya ka dhaceen 69 weerar, kuwaasoo ka yar 32% weerarradii dhacay sannadkii hore.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa la sheegay in dhibaatooyin ku hayaan ganacsiga dunida, sidoo kalena ay afduubyada maraakiibta iyo doomaha ganacsi ka helaan malaayiin doollar.

Ururka NATO ayaa isku raacay horraantii sannadkan in barriga lagula dagaalamo kooxaha burcadbadeedda ah, taasoo ay sheegeen inay qayb ka qaadan karto sidii lagu cirib-tiri lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya