4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2012
Fannaanadda Saada Cali ma dhimman oo wey nooshahay


Jimco, July 20, 2012(HOL): Warar kala duwan ayaa galabta casir-liiqii ka soo baxay shil gaari oo ay fanaanadda Saado Cali Warsame ku gashay inta u dhaxeysa Kala-beyr iyo Burtinle, iyadoo ku sii jeeday Magaalada Garowe.

Fannaanadda oo ka soo tagtay  magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ku socotay magaalada Garowe, halkaasi oo ay uga qeybgeli lahayd shir ay haween Soomaaliyeed ku lahaayeen magaaladaas, kaasi oo heer gebogebo ah maraya.

Barta Internet-ka Facebook ayay dad badan oo Soomaali ah ku shaaciyeen in fannaanaddu ay shilkaas ku geeriyootay, iyadoo ay website-yada qaarkoodna qoreen in fannaanaddu geeriyootay, hayeeshee warkaas waa uu beenoobay.

Haddaba si aan u helno xogta rasmiga ah ee xaaladda fannaanadda ayaa waxaan la xiriirnay wariyaheena deegaannada Puntland Maxamed Salaad Dirir, kaasi oo xiriirro uu la sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ku ogaaday in fannaanadda ay nooshahay, isla markaana ay dhaawacyo fudud soo gaareen.

Wariyuhu wuxuu intaas ku daray in loo xaqiijiyay in Fannaanaddu ay miyir-qabto, isla markaana lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Garowe.


Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda Fannaanadda kula soco wararkeena dambe


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]