4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2012
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda KMG oo dil toogasho ah ku fulisay afar Askari oo gacan ku dhiiglayaal ahaa
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo horay loo xukumay, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dil u geysteen askar kale iyo dad shacab ah.

Dilka oo ka dhacay dhabarka dambe ee iskool bulisiyo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, kuwaasoo sheegay in askarigii dil geysta uu muteysan doono xukunkan oo kale.

Ciidammo aad u hubeysan oo kuwa dowladda ka tirsan ayaa dilka toogashada ah fuliyay, iyadoo tani ay daba socoto xukunno noocan oo kale ah oo ay maxkamaddu horay ugu fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo gacan ku dhiiglayaal ahaa.

Saraakiishii ciidamada ee xukunka kaddib hadlay ayaa uga digay cidiamada DKMG ah inay dadka shacabka ah dhibaateeyaan, iyagoo sheegay in askari walba oo dambi lagu helo uu muteysan doono xukunkii ay maxkamadda ciidamadu ku riddo.

Maxkamadda ciidamada ayaa tan iyo sannadkii hore wadday fulinta xukunno dil ah oo ay ku fulinayso askar dil toogasho lagu xukumay, waxaana taasi ay yareysay dilalkii macno-darrada ahaa ee ay ciidamada dowladdu u geysanayaan shacabka.

Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ku jira askar iyo dad shacab ah oo dil ku xukuman, kuwaasoo ay saraakiisha ciidamada dowladdu ay sheegeen in dhawaan lagu fulin doono xukunka toogashada ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya