4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2012
YAASIIN MAAXI: “Waxaan wax ku doonayaa Sinnaan iyo Soomaalinimo, wax intaas ka hooseeyana wax kuma doonayo” (SAWIRRO)


Khamiis, July 19, 2012(HOL): Siyaasiga yaasiin maxamuud ayaa la hadley soomaalida ku nool magaalada Borlänge ee dalka Sweden kaddib markii casuumaad ay u sameeyeen Soomaalida magaaladaas ku dhaqan.

 

Furitaankii munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa ka hadley C/qaadir Cagmadhige oo ka taariikheeyay waxqabadka siyaasiga Maaxi oo ah guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ee SSUP, wuxuuna sheegay in Yaasiin Maaxi oo muddo dheer ku nool dadka Sweden uu wax badan u soo qabtay soomaalida ku dhaqn dalka Sweden iyo tan ku nool dalka Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray Cagmadhige in MusharraxaYaasiin Maaxi uu u qalmo in uu xilka madaxweynenimada Soomaaliya qabto.

 

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Safiyo Axmed Gacal oo ka mid ah haweenkii xafladda soo agaasimay, waxaynasoo dhaweysay musharraxnimada Yaasiin Maaxi oo ay ku tilmaantay in uu wax weyn ka qaban karo dalka Soomaaliya, uu wax weyn kaga duwan yahay dad xilka madaxweynenimada Soomaaliya soo qabtay, kuwaasi oo ku fashilmay hoggaanka dalka. Waxay sheegay Safiyo Gacal  in ay hill iyo hoo la grab taagan yihiin Musharraxa Yaasiin Maaxi.

 


Xafladda oo ay soo qaabeynteeda is weyn isugu howleen C/risaaq Shiikhadduun iyo Faarax Dheere ayaa waxaa kaloo ka hadlay Mursal Ciise  oo ka tirsan Hay'adda ABF, wuxuuna sidoo kale soo dhaweeyay musharraxnimada Madaxweynenimo ee Yaasiin Maaxi, wuxuuna ku kaftamay in Yaasiin Maaxi uu ka geesinimo badan yahay bacdamaa uu isu soo sharraxay xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

 

Mursal oo sii hadlayay waxaa uu u rajeeyay musharraxa in uu xilka madaxweynenimada ku guuleysto, isagoo caddeeyay in ay intii karaankooda ah la garab taagan yihiin. Wuxuu intaas ku daray in uu u sharraxan yahay xildhibaannimo Sweden, taasi oo uu sheegay in uu labo jeer oo hore uu isu soo sharraxay siyaasiga Yaasiin Maaxi hayeeshee uusan ku guuleysan, sida uu Liiska doorashada Soomaalida ku soo daray.

 

Munaasabadda waxaa kale oo ka hadlay Yaasiin Isaaq oo ku hadlayay magaca dhalinyarada magaalada Borlänge, wuxuuna sheegay in Yaasiin Maaxi uu yahay nin dhalinyaro ah oo ka bixi kara xilka madaxtinimo ee uu isu soo sharraxay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Soomaaliya maanta ay u baahan tahay aqoonta iyo kartida dhalinyarada Soomaaliyeed.

 


C/risaaq Shiikhaduun oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee nool magaalada Borlänge ayaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay si uu kalmaddiisa uga yiraahdo munaasabadda, wuxuuna ka taariikheeyay aqoontiisa Yaasiin Maaxi, wuxuuna sheegay in markii ugu horreysay ee uu magaca musharraxa maqlay ay ahayd sanadkii 2005 markaas oo uu Yaasiin dhaqdhaqaaqyo bulsho iyo siyaasadeed ka waday dalka Sweden, wuxuuna intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan musharraxnimada Yaasiin Maaxi uuna arkayo in uu yahay shakhsi xilkaas ka bixi kara oo haddii uu xilkaas qabto Soomaaliya ka dhigi kara sida dalalka horay u maray ee uu ka midka yahay dalka Sweden ee uu muddada dheer ku noolaa.

 

Intaas kaddib waxaa khudbaddiisii munaasabadda jeediyay Yaasiin Maaxi Macallin oo ugu horreyn si weyn ugu mahadceliyay dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadda iyo intii ka soo qeybgashay, isagoo dhanka kalena sheegay in uu ka xun yahay in magaalada Borlänge oo ay Soomaali badan ku nool yihiin aysan dadkeedu ka muuqan midnimadii ay lahaayeen sanad ka hor.

 


Wuxuu sheegay in Magaalada Borlänge ay tahay magaalo dadka Soomaaliyeed ee deggan uu si weyn ugu ololeeyay sanadkii 2005 xiligaas oo dadka deggan loo diiday sharciga, iyadoo weliba loogu hanjabay in la celinayo, wuxuuna caddeeyay in dadaalkaas oo ay la wadeen dad ay asxaab yihiin uu miro-dhalay, isla markaana ay ku guuleysteen in dadkaas sharci rasmi ah la siiyo.

 

Intaas kaddib wuxuu u sii gudbay musharraxnimadiisa, wuxuuna sheegay in uu waxyaabaha uu ku duulayo ee uu doonayo in lagu doorto ay tahay isagoo raba in uu dalka Soomaaliya geliyo isbedel ka duwan midka uu hadda ku jiro, wuxuuna farta ku fiiqay in uu rabo in uu horumariyo dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka gaajada, jahliga, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa

 

“Haddii Alle yiraahdo waxaan wax ku doonayaa sinnaan iyo soomaalinimo, wax soomaalinimo ka hooseeyana ma doonayo”ayuu yiri Yaasiin Maaxi oo intaas ku daray in uu si weyn uga soo horjeedo nidaamka 4.5, wuxuuna sheegay in ay dadka oo dhan simman yihiin, aysanna jirin beel lagu bar ama nus lagu tilmaami karo.

 

Wuxuu ku celiyay in aysan jirin dowlado shisheeye oo gadaasha ka taagan, kuwaasi oo uu ka doonayo in ay gacan-siiyaan sidii uu madaxweyne ku noqon lahaa, wuxuuse sheegay in uu wax ka doonayo dadka Soomaaliyeed.

 


Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabadda Bashiir Dheere, Iimaan, Abwaan Goley, Xaabsade oo dhammaantood ka mid ah dadka deggan magaalada Borlänge, waxayna dhammaantood musharraxa u rajeeyeen in uu ku guuleysto xilka uu tartamo, iyadoo qaarkood ay sheegeen in ay farxad u tahay in madaxweynenimada Soomaaliya uu u tartamo shakhsi ka socda dalka Sweden, maadaama sida ay yiraahdeen ay horay u arkeen dad ka yimid UK iyo North America iyo meelo kale oo Soomaaliya madax ka noqday.

 

Magaalada Borlänge ee dalka Sweden ayaa noqotay magaaladii labaad ee laga taageero musharraxnimada Madaxweyne ee Yaasiin Maaxi, iyadoo Magaalada Katrineholm ay ahayd magaaladi uu ugu horreysay ee uu musharraxa kaga dhawaaqay in uu xilka madaxweynenimada Soomaaliya u taagan yahay.











Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]