4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2012
Dagaallo mar kale duleedka Baardheere ku dhexmaray Ciidamada DKMG, kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab

Arbaco, July 18, 2012 (HOL) — Dagaallo geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay mar kale ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay shalay ka dhaceen dagaallo culus oo khasaare badan geystay.

Wararka laga helayo degmada Baardheere ayaa waxay sheegayaan in dagaalku uu aad ugu dhawaaqday degmada, iyadoo ay ku dhinteen dagaalkii xalay illa lix qof oo dhinacyadii dagaalamayay ka mid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

"Xaaladda degmada Baardheere saakay waa daggan tahay, xalay waxaa meel aad ugu dhow ka dhacay dagaal culus," ayay yiraahdeen goobjoogayaal magacyadooda qariyay oo la hadlay HOL.

Goobjoogayaashu waxay intaas ku dareen in xoogagga Al-shabaab ay abaabul ka wadaan gudaha degmada, ayna dhallinyarada ku boorrinayaan inay dagaallada ka qaybgalaan si loo difaaco magaaladaas oo ka mid ah labada degmo ee ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab.a

Inkastoo aysan weli mas'uuliyiinta Al-shabaab ka hadlin dagaalka ka socda duleedka Baardheere ayaa haddana saraakiisha dowladda KMG ah ee gobolkaas ayaa xusay inay ka go'an tahay inay dagaalka wadayaan inta ay ka qabsanayaan Baardheere.

Saraakiisha dowladda KMG ah waxay sheegeen in dagaalladii shalay dhacay ay kaga qabsadeen Al-shabaab maxaabiis iyo gaari kuwa dagaalka ah, dhankoodana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.

Balse wararka madaxa-bannaan ee laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya inay dagaalladaas oo dhowr jeer dhacay ay ku dhinteen in ka badan 11-qof oo labadii dhinaca ee dagaalamayay ka tirsan, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya