4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Madaxda Qaaradda Afrika oo Markii ugu horreysay Hoggaanka sare Ururka Midowga Afrika u doortay Haweeney

Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Madaxda ururka Midowga Afrika ayaa xalay u doortay in haweeney ay markii ugu horreysay hoggaamiso ururka Midowga Afrika, taasoo ah  wasiirradda arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo dhowr wareeg oo doorasho ah kaga guleysatay hoggaamiyihii Midowga Afrika, Jean Ping oo u dhashay dalka Gaaboon.

Dlamini-Zuma oo 63-jir ah ayaa kaga guuleysatay Jean Ping 37 kaddib afar wareeg oo doorasho ah, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo haweeney ay hoggaanka ururka qabato tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1960-kii.

"Hadda waxaan doorannay Madame Zuma oo hoggaamin doonta mustaqbalka ururka Midowga Afrika," ayuu yiri madaxweynaha Benin, Thomas Boni Yayi, iyadoo shir-guddoomin doonta kulanka hadda socda ee Midowga Afrika.

Guddoomiyaha cusub ee ururka Midowga Afrika oo ahayd xaaska madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma. Waxayna horay u soo qabatay wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka caafimaadka iyo hadda oo ay tahay wasiirka arrimaha gudaha.

"Tani macnaheedu waa in Qaaradda Afrika ay isbedeshay ayna awood siiyaan haweenka, taasina waa muhiim," ayay tiri Zuma oo sheegtay inay wax badan ka bedeli doonto habka uu u shaqeeyo ururka Midowga Afrika.

Madaxweynayaasha Afrika oo ka hadlay sida ay u arkaan guusha ay gaartay Zuma ayaa ku tilmaamay mid aad u wanaagsan, waxaana madaxweynaha Uganda oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii hadlay uu sheegay in Zuma ay tahay haweeney xorriyadda dalkeeda u dagaalantay aysanna ahayn qof cunsuriyad ah.

Guddoomiyihii hore ee ururka Midowga Afrika, Jean Ping ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee xilka kaga guuleysatay, isagoo sheegay inuu la shaqeyn doono uuna ku faraxsan yahay inay xilka kala wareegto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya