4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2012
Hay'adda MSF oo sheegtay in Cudurka Daacuunka uu ka dillaacay Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya uu ka dilaacay cudurka daacuunka kaasoo saameyn ku yeeshay caruurta iyo dadka waaweyn ee ku nool degmadaas.

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa ah magaalo ay dad badan ku nool yihiin; iyadoo MSF ay sheegtay in jiraan khatarto ku aaddan inuu cudurkaas si dhakhso ah ugu faafo bulshada.

"Baaritaanno lagu sameeyay 10 bukaan ayaa muujinayaan in lix ka mid ah cudurka daacuunka. Marka laga yimaado 65 bukaan ah oo la daaweeyay illaa hadda, 40 ka mid ah ayaa waxay la dhibaateysan yihiin fuuq-bax daran waxayna u baahan yihiin daaweyn degdeg ah. Bukaankan itiisa badan waa caruur da’adoodu ay ka hooseyso sideed sano jir," ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale, hay'addu waxay ku sheegtay warbixinteeda in cudurkan uu yahay mid si deg-deg ah ku faafi kara haddii si dhaqso ah lagu daweyn, waxayna MSF sheegtay in cudurkan uu yahay mid si dhaqso ah ku faafi kara haddii aan laga hortegin.

"Sida ugu habboon ee loogu hortegi karo cudurkan waa in la daweeyo goobaha laga helo biyaha la cabo iyo in nadaafadda la ilaaliyo," ayay MSF ku sheegtay warbixinta ay soo saartay.

MSF waxay sheegtay in xarun ay ku leedahay Kismaayo oo lagu daweeyo cudurka daacuunka ka dhigay 36 bukaan ah, iyadoo xaruntaas ay taallo 20 sariirood oo keliya, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay xarun weyn oo lagu daaweeyo tirada bukaan ee sii kordhaysa.

Laba ka mid ah shaqaalaha MSF ayaa laga afduubtay xerada Dhadhaab, dalka Kiinya bishii Oktoobar sanadkii hore, waxaana la aaminsanyahay in lagu haysto dalka Soomaaliya. Ilaa inta arintan laga xalinayo, balaarinta howlaha caafimaad ee MSF waxey ku eg yihiin ka hortagga xaaladaha degdegga oo kali, sida tan haatan ka jirta Kismaayo.

Hay'adda MSF waxay ka howlgashaa laba xarumo oo ku yaalla Kismaayo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda KMG ah iyo ciidamada ay gacanta ka helayso. Iyadoo xarumahan lagu daweeyo dadka qaba nafaqo-darrada iyo caruurta ay jadeecadu ku dhacdo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya