4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan oo warqadihiisii aqoonsiga ku wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen

Axad, July 01, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Yemen Abubakar Cabdalla Al-Qarbi ayaa ka guddoomaya waqadihii aqoonsiga danjirenimo qunsulka guud ee dowladda Soomaaliya u magacowday magaalada Cadan, Axmed Cabdi Xasan (Axmed Suudaan) kaddib kulan uu kula qaatay wasiirka oo ka dhacay Sanca.

Qunsulka guud ayaa wasiirka u gudbiyay salaan uu uga siday dhiggiisa Soomaaliya, Cabdullaahi Xaaji Xasan, iyadoo wasiirku uu qunsulka u ballanqaaday in dowladda iyo shacabka Yemen ay si hagaagsan ula shaqayn doonaan, kuna gacan siin doonaan howlihiisa shaqo ee loosoo igmaday, iyadoo Dr Al-Qarbi uu tilmaamay in magacaabistiisu ay qayb ka qaadan doonto xoojinta iyo sii horumarinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dal ee walaalaha ah.

Qunsulka ayaa kala hadlay wasiirka arrimaha maalmahan la hadal hayay ee ku la xiriirta in la xaraashayo maraakiibtii ay lahayd dowlada Soomaaliya oo ku xiran dakadda Caden, intaas kaddib wasiirka ayaa u sheegay qunsulka guud inuu kala hadli doono wasaaradda cadaaladda Yemen in xukunkaas dib loo dhigo inta ay ka imaanayaan wafdi ka socda dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, qunsulku guud ee Soomaaliya wuxuu kala hadlay wasiirka arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas iyo sidii loo hagaajin lahaa xaladdooda nololeed.

Intaa kaddib qunsulka cusub ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka daymaha ku sheeganaya maraakiibta Soomaaliya, isagoo la meel-dhigay inay muhiim tahay in dib loo dhigo xukunka maxkamadda ee maraakiibta inta ay ka imaanayaa wafida ka socda dowladda Soomaaiya oo arrintan kala xaajooda.

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in qunsuka cusub ee Soomaaliya ee magaalada Cadan uu ka qaybgalo xukunka maxkamada ee dhici doona maalinta Tallaadada ah ee taariikhdu tahay 03 July 2012 si uu abiil uga qaato dacwadda inta wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya uu tagayo halkaas.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya