4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2012
Ururka Dhallinyarada ee SYL II oo qabtay Bandhig lagu Dhiirrigelinayo Dhaqanka iyo Afka Soomaaliga [SAWIRRO]

Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Ururka dhallinyarada SYL II ayaa bandhig lagu dhiiri-galinayo dhaqanka iyo afka Soomaaliga ku qabtay Muqdisho, bandhigan oo ay kasoo qeyb-galeen agaasimaha wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta Sare, Ismaaciil Macalin Cabdullahi ayaa si aad ah u soo dhaweeyay bandhigga sheegayna in wasaaradu ay dhiiri-gallin doonto dhaqanka Soomaaliyeed iyo afkaba.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo is-barbar-dhigi ku sameeyay suugaanta xoola dhaqatada iyo beeraleeyda, sidoo kale abwaano ay ka mid yihiin Maki Xaaji Banaadir, abwaan Maxamed Axmad Abdi Farey, abwaan Cusmaan Cabdullahi Guure oo iyagu dhamaantood halka kasoo jeediyay gabayo kala duwan oo ay ku cabireen aragtidooda ku aaddan bandhiga.

Waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay bandhigga, Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah waayo-arag iyo cilmi-baare afka Soomaaliga ah; isagoo ka sheekeeyay taariikhda afkeenna hooyo iyo hodantinimadiisa kuna booriyay dhalinyarada inay ka qayb-qaataan ka hortagga dabar-go’a erayga Soomaaliga ah isagoo ula jeeda inaan la isticmaalin erayada qalaad iyadoo la heli karo eray af Soomaali ah.

waxaa sidoo kale ka hadlay bandhigga, Aadan Cali Caseyr oo ah cilmi-baare afka Soomaaliga ah buugaag badanna ku qoray afkeena hooyo, fannaaniin, barbaarta gaashaaman iyo dhalinyaro badan oo gabdha iyo wiilalba isugu jira oo badankood ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka Soomaalida, maansooyin isugu jiray heeso, gabayo iyo maanso howleed; sidoo kale waxaa kusoo bandhigay goobta ciyaaraha hidaha iyo dhaqankeenna naadiga dhaqanka RAJO ee ururka SYLII ; sida ciyaarta dhaantada, beereyda iyo ciyaarta loo yaqaan shiribka oo iyana ay halkaasi kusoo bandhigeen barbaarta gaashaaman.

Ugu dambeyn, waxaa halkaasi lagu soo bandhigay agabka dhaqankeena oo aad u qurux badan iyo cunooyin kala duwan oo ku dhex jiray alaabaha dhaqankeena sida xeerada, fandhaalka, dhiillo, toobte, xaarin, kurbin iyo kuwo kale oo aad u qurux badan.
B
andhiga ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u qurux badan oo farxadeed iyadoo qof walibaana ay soo dhaweyneysay maadama uu yahay kii ugu horreeyay ee Muqdisho ka dhaca tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya