4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Diyaarad Billowday Dullimaadyo Joogto ah oo ay ku Tagayso Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Baladweyne

Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Shirkad lagu magacaabo Horn of Africa Airline ayaa ka billowday Muqdisho duulimaadyo joogto ah oo ay ku tagayso degmooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Baladweyne oo ay ku sugan yihiin ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo duulimaadyadan ay soo dhaweysay AMISOM.

Saraakiisha shirkadda ayaa sheegay in diyaaraddu ay duulimaadyo joogto ah ku tegi doonto maalin walba degmooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Baladweyne, taasoo ay AMISOM ku sheegtay inay tahay mid xoojinaysa xiriirka wadashaqeyn ee dowladda iyo AMISOM u dhexeeya.

"Diyaaraddu waxay Salaasadii billowday duulimaad ay ku tagayso Kismaayo," ayaa lagu yiri warbixin ay AMISOM soo saartay, iyadoo duulimaadyada diyaaradan ay ka billaaban doonaan Muqdisho ayna dib ugu soo laaban doonto maalin walba.

Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo Baladweyne ayaa waxaa xoogaggii Al-shabaab ee ka talin jiray laga qabsaday dhammaadkii sannadkii hore iyo sannadkan, iyadoo aan lagu tagi karin degmooyinka safar dhinaca dhulka ah, maadaama ay Al-shabaab weli ka taliso deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo degmooyinkan.

Diyaaraddan ayaa waxay horay uga soo shaqeysay Somaliland iyo Puntland, iyadoo duulimaadyada ay ku tagayso degmooyinka ay fursad u siin doonto dadkii horay ay ugu suurogeli wayday inay tagaan degmooyinkaas inay si fudud ku tagaan.

Ugu dambeyn, saraakiisha shirkadda ayaa uga mahadceliyay ciidamada AMISOM dadaalka ay ugu jiraan sidii nabad Soomaaliya lagu soo celin ahaa, sidoo kalena ay gacanta u siinayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya