4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 4 , 2012
Maxaabiis lagu helay dambiga Burcad-badeednimo ah oo xukuno kala duwan lagu riday oo lagu soo wareejiyey Somaliland
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Maxaabiis budhcad badeed ah oo lagu soo maxkamadeeyey dalka    Seychelles ayaa shalay lagu soo wareejiyey gacanta Somaliland.

Maxaabiistan budhcad badeedda ah oo ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya, ayaa ka kooban sagaal qof, kuwaas oo ku kala xukuman labaatan sanno ilaa toban sanno oo xadhig ah inta u dhexeysa, waxaana budhcad badeedan lagu soo qabtay biyaha soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay faraha kula jireen budhcad badeednimo.

Budhcad badeedan maxaabiista ah ee lagu soo wareejiyey Somaliland ayaa la qabtay sanadihii 2009 kii ilaa 2010, kuwaas oo markii maxkamaddu xukuntay sanado badan iyagu si iskood ah u dalbaday inay jeelasha Somaliland ku dhamaystaan xadhigoodda si ay ugu soo dhowaadaan eheladooda iyo qaraabadoodda.

Sidoo kale, waxa iyana maanta la keenayey saddex kale oo maxbuus oo iyana lagu helay dambiga budhcad badeednimada, kuwaas oo lagu soo xukumay dalkaasi Seychelles.

Maxaabiistan ayaa intoodda badan soo dalbadeen in magaaladda Hargeysa la keeno ka dib markii la kala dooran siiyey inay dalkaasi  joogaan iyo in Somaliland la keeno, taasina ay door bideen inay Somaliland la geeyo.

Hore waxaa loo keenay Somaliland oo jeelasha magaaladda Hargeysa ku jira 17 maxbuus oo iyaguna lagu eedeeyey budhcad badeed oo dawladda Seychelles xukuno kala duwan ku xukuntay.

Dawladda Somaliland iyo Dawladda Seychelles ayaa sanadkan horaantiisii magaaladda London ku kala saxeexday heshiish ah in maxaabiista ay dalkaasi Seychelles xukunto lagu soo wareejin karo Somaliland haddii ay maxaabiistu dalbadaan, waxaana heshiiskaasi dhigayey in la eego rabitaanka maxaaabiista oo ay halka ay doonayaan lagu hayn karo.

Maxaabiistan budhcad badeednimada lagu helay ayaa intoodda badan door bidaan inay ku noolaadaan jeelasha Somaliland si ay ugu soo dhowaadaan dadkooda, haseyeeshee maxaabiistan ayaa ku xukuman xukunno aad u dhaadheer, kuwaasi oo ay ku mutaysteen budhcadnimada ay ka qaraaban jireen biyaha Soomaaliya , waxanay caalamku isla kaashaday inay cidhibtirka budhcad badeednimada badda soomaaliya looga caagay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland