4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Madaafiic Khasaare Nafeed Dhaliyay oo Xalay ku dhacay Deegaanno ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay afar cunug oo yaryarna way ku dhaawacmeen madaafiic xalay saqdii dhexe ku dhacay meel ku dhow xarunta degmada Wardhiigley ee Muqdisho, iyadoo qofka dhintay ay ahayd hooyadii dhashay afarta caruurta ah.

Madaafiicdan oo laga soo tuurayay deegaanno ku yaalla dhinaca waqooyi-galbeed ee Muqdisho ayaa u muuqday kuwo lagu bartilmaameedsanayay madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo hay'adaha ammaanka ee dowladdu aysan wax war ah kasoo saarin duqeyntii xalay.

"Hal madfac ayaa kusoo dhacay xalay abbaare 1:00 habeenimo guri ku dhow xarunta degmada Wardhiigley, waxaa ku dhintay halkaas hooyo dhashay afar caruur ah iyadoo afartii caruurta ahaydna ay dhaawacyo soo gaareen," ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda uu madfacu ku dhacay.

Madaafiicda ahaa ku dhawaad toban madfac ayaa waxay ku dhaceen meelo ku dhow xarunta madaxtooyada, waxaana duqeyntan ay noqonaysaa tii labaad oo ka dhacda Muqdisho bishan gudaheeda.

"Dhawaqa madaafiicda waa maqlaynay xalay, cabsi weyn ayay nagu beereen, waayo waa wax aanan maleysanayn," ayay tiri Raxmo Maxamuud oo ka mid ah dadka degmada Wardhiigley oo HOL la hadashay.

Magaalada Muqdisho oo ay Al-shabaab isaga baxday bishii Ogoosto ee sannadkii hore ayaa waxaa weli ka dhacaya qaraxyo, duqeymo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo taageersan Al-shabaab, iyadoo hay'adaha ammaanka dowladdu ay sheegaan inay ka hortagayaan weerarradaas.

Duqeyntii xalay ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu madaxweynaha Soomaaliya dalka dibadda uga maqan yahay, iyadoo duqeyntii middan ka horreysay ay sidoo kale dhacday xilli uu madaxweynuhu safar dibadda ah ku maqnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya