4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2012
UNHCR iyo Xukuumadda KENYA oo Isku Afgartay in Qaxootiga Soomaalidu ay Tagaan Xeryaha Kakuma ama Dadaab

Arboco, December 19, 2012 (HOL) - Kadib qaraxyo iyo weeraro is xigxigay oo ka dhacay xaafadda Islii ee ay Soomaalida ugu badan ka deggan tahay Nairobi caasimadda dalka Kenya ayaa waxay Hay'adda qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR iyo dowladda Kenya ay isku waafaqeen in Qaxootiga Soomalaida ee ku sugan magaalooyinka kala duwan ee Kenya ay iska xaadiriyaan xeryaha Qaxootiga ee Kakuma ama Dadaab.

Caawa fiidkii waxaa inta badan dadka heysta Mandate-ka UNHCR ee ku nool magaalooyinka Waaweyn ee ay Nairobi ugu horeyso ay fariimaha SMS-ka ku ogeysiinayeen in UNHCR iyo hay'adda Kenya u qaabilsan qaxootiga ee DRA ay isku afgarteen in dadka qaxootiga ah iyo dhamaan dadka doonaya magan galyada looga baahan yahay iney iska xaadiriyaan xeryaha Qaxootiga ee Dadaab iyo Kaakuma.

13-kii bishan Dec ayay ahayd markii hay'adda DRA oo ah laanta Kenya u qaabilsan umuuraha Qaxootiga ay ku wargelisay UNHCR iyo dhamaan hay'adaha kale ee u dooda arimaha qaxootiga iney joojiyaan diiwaan gelinta qaxootiga ku nool magaalooyinka, iyagoona laga codsaday in qaxootiga Soomaalida ay u daabulaan xeryaha Qaxootiga ee Kenya ee ku kala yaalla Kaakuma iyo Dadaab.

“Waxaan soo gabagabeynaynaa qaxootiga ku nool magaalooyinka, taasoo ay ku xigi doonto inaan qaxooti badan dib ugu celino Soomaaliya” sidaasi waxaa sheegtay Sora Katelo, oo ah madaxa laanta DRA ee Kenya u qaabilsan umuuraha qaxootiga.

Katelo waxay intaasi raacisay iney joojinayaan bixinta dukumintiyada qaxootiga iyadooona dukumintiyada qaxootiga ee horay loo bixiyay aanay ka shaqeyn doonin magaalooyinka waaweyn ee kaliya ay ka shaqeyn doonaan xeryaha qaxootiga Kenya.

Dad badan oo ay Hiiraan Online xiriir la sameysay ayaa xaqiijiyay in caawa lasoo gaarsiiyay fariimo uga imaanayay UNHCR hay'adda qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay taasoo qaxootiga lagu ogeysiinayay iney iska xaadiriyaan Kakuma amase Dadaab, balse UNHCR waxay sheegtay in weli ay u socdaan wada tashiyo dhex maraya UNHCR iyo dowladda Kenya si go'aankani wax looga baddello.

700,000 Soomaaliya ayaa Kenya Qaxooti ku ah

Qaxooti aad u farabadan oo isugu jira kuwo ku nool magaalooyinka waaweyn iyo sidoo kale kuwo deggan xerada Qaxootiga ugu weyn caalamka ee Dadaab oo hooy u ah in kabadan 500,000 oo Qaxootiya ayaa ku sugan Dalka Kenya waxaana ay tirada ugu badan ku sugan yihiin gobolka Waqooyi bari Kenya, iyadoo sidoo kalena ay ku nool yihiin xerada Kakuma ee waqooyi galbeed Kenya.

Xerada Dadaab ee uu tankeedu dhaafay intii loogu tallo galay ayaa ka kooban xeryaha Ifo, Dhagaxleey iyo Xagardheere kuwaasi oo ay aad u adag tahay noloshooda, waxaana sidoo kale ka dhaca weeraro qorsheysan iyo qarxyo maadaama ay xeradu ku taallo xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Ururada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa Kenya ku eedaynaya iney ka horimaaneyso heshiisyadii Qaramada Midoobay ee ku aadanaa arimaha Qaxootiga ku sugan dalkeeda, waxaana muuqata in dadkani ay dowladda la tashanayeen tan iyo jimcadii lasoo dhaafay ay weli isku dhaafi weysan yihiin, iyadoo xukuumadda Kenya ay ku adkeysanayso in Qaxootigu Soomaalidu ay tagaan Xeryaha Kaakuma ama Dadaab.

Siyaasadda Kenya ee ku aaddan arimaha Qaxootiga ayaa sheegaysa in dhamaan Dadka Qaxootiga ah ay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga balse Kumanaan u badan Soomaalida qaxootiga ku ah Kenya ayaa deggan magaalooyinka Nairobi, Garissa iyo Mombasa, waxayna tilaabadan horseedi kartaa in kumanaan Soomaaliya ay dib ugu laabtaan Dalkooda amaba ay ku biiraan xeryaha Qaxootiga ee Kakuma iyo Dadaab.

Cabdiqafaar Shire
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya