4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2012
Kooxo hubeysan oo Ganacsade Soomaaliyeed dil iyo dil ugu geystay xarunta dalka Tansaaniya ee Daarusalaam
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo la sheegay inay wateen mootooyin ayaa maanta barqonimadii ku toogtay magaalada daarusalaam ganacsade Soomaali ah, iyagoo ka dhacay lacago fara badan oo uu watay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay inay tiradoodu ahayd afar qof, waxayna weerar ku qaadeen gaariga ganacsadaha, taasoo keentay intay ku dilaan goobta kalana baxaan gaarigiisa lacag fara badan oo Tansaaniyaan shillin ah.

"Kooxo hubeysan ayaa toogtay ganacsadaha, waxayna gaarigiisa kala baxeen lacag badan, sidoo kale, goobta isla gaariga waxay ku dhaawaceen wiil la socday ganacsadaha la dilay oo ku magac-dheeraa Hitler," ayay yiraahdeen goobjoogayaal Soomaali ah oo ku sugan Daarusalaam.

Goobjoogayaasha ayaa waxay intaas ku dareen in kooxaha hubeysan ay sidoo kale toogteen ruux u dhashay dalka Tansaaniya oo ka mid ahaa dadkii goobta marayay, iyadoo booliiska Tansaaniya la sheegay inay toogteen mid ka mid ah burcaddii falka geystay, laba kale qabtay.

Saraakiil u hadlay booliiska Tansaaniya ayaa sheegay inay heleen lacagihii badnaa ee ganacsadaha la dilay laga dhacay, waxayna saraakiishu intaas ku dareen inay soo qaban doonaan burcadka baxsaday.

Dalka Tansaaniya ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay Soomaalidu aadka uga ganacsato, iyadoo falkan uu argagax weyn geliyay ganacsadaha Soomaaiyeed ee ku nool dalka Tansaaniya oo ka mid ah dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya