4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 18, 2012
Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay dalka Jabuuti ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Aanaadiif, isagoo kala hadlay howgallada AMISOM.

Markii uu kulanka soo xirmay kulanka oo muddo saacad ah qaatay ayaa waxaa la hadlay saxaafadda ergayga Midowga Afrika isagoo sheegay in imaatinkiisa Muqdisho uu salka ku hayo sidii ay isku baran lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya ayna uga hadli lahaayeen howgalka ciidamada Midowga Afirka.

"Kulankan waa kii iigu horreeyay oo aan la yeesho madaxweyaha tan iyo markii la ii magacaabay xilkan muddo bil laga joogo, wuxuu ahaa mid isugu jira isbarasho iyo in aan wadaagno howlgallada ay AMISOM ugu adeegayso shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri ergayga.

Ergaygu wuxuu sheegay in qorshihiisa uu yahay sidii loo adkeyn lahaa howgallada ay AMISOM ka wadaan Soomaaliya, isagoo xusay in isaga iyo madaxweynuhu ay si aad iskula garteen waxyaabihii ay kawada hadleen oo dhan.

Dhanka kale, warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo faahfaahin looga bixinayay kulanka ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu soo dhaweeyay in xafiiska Midowga Afrika uu dhawaan u soo guurayo Muqdisho.

"Madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay guurista xafiiska Midowga Afrika, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah hor-u-socodka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu wuxuu ugu baaqay ururrada kale ee caalamiga ah in xafiisyadooda ay u soo raraan Soomaaliya," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay villa Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku baaqay in Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan dowladda Soomaaliya hirgelinta lixda qodob ee ay dowladdu ku shaqeynayso muddada ay xilka hayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya