4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Xuska 40 guurada Far-soomaaliga oo lagu qabanayo dalka Jabuuti

Khamiis, December 13, 2012(HOL): Xuska 40 guurada far-soomaaliga ayaa lagu qaban doonaa magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti 17ka ilaa 22ka bishan Disambar ee 2012ka. Xuskan, oo noqon doona mid ballaadhan, waxa lagu martiqaaday madaxda Soomalida ee geeska Afrika, kuwaas oo kala ah: Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Somaliland, Madaxweynaha dawladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka socda Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

 

Xafladda furitaanka oo uu guddoomin doono, haddii Alla yidhaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxa lagu daahfuri doonaa Qaamuuskii ugu weynaa ee afka Soomaaliga laga qoro. Qaamuuskan oo uu hindisihiisa iyo maalgelintiisaba lahaa madaxweyne Ismaaciil Cumar waxa wadajir u diyaariyey Machadka Afafka ee Jabuuti iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed Somali-speaking PEN Club, oo ka tirsan ururweynaha caalamiga ah ee PEN.

 

Maalmaha xusku socdo, waxa kale oo jiri doona buugaag cusub oo iyagana halkaa lagu gardaadinayo. Intaa waxa dheer oo barbar soconaya bandhig-suugaaneed ballaadhan.

 

Aqoonyahannada ka soo qaybgelaya xuska 40 guuraada farsoomaalida ayaa iyaguna yeelan doona dood-cilmiyeedyo ku saabsan sidii Afsoomaaliga iyo fartiisa loo qabyo tiri lahaa. Doodahaasi waxay ka dhici doonaan qolka shirarka ee Jaamacadda Jabuuti. Waxa kale oo jiri doona caweys-suuganeed ka dhici doona isla Jaamacadda Jabuuti oo ay soo bandhigayaan Abwaannada iyo hal’abuurka Soomaaliyeed ee la martiqaaday.

 

Xuska 40guuraada Farsoomaalida ee Jabuuti martigelisay waxa ka soo qaybgelaya Barafasoorro, qoreyaal iyo hal’abuurro Soomaali iyo shisheeye ba ka kooban oo ay ka mid yihiin : Pr. Cabdalla Maansuur, Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame "Hadraawi", Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Pr. Giorgio Banti, Aw-Jaamac Cumar Ciise, Xuseen Sheekh Axmad "Kadare", Axmad Faarax Cali "Idaajaa", Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Sheekh Axmed, Cabdillaahi Macallin "Dhoodaan", Xasan "Ganey", Pr. Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw Geeddi, Maryan Caarif, Aamina Muuse Weheliye, Siciid Saalax Axmed, Seynab Daahir, iyo qaar kale oo badan.

 

Marka xusku dhamaado ka dib, oo martidu guryo noqoto ayaa waxaa la shaacin doonaa lana bilaabi doonaa qeybinta iyo iibinta Qaamuuska sharafta badan ee cusub ee howsha badan la geliyey, si eey uga faaiideystaan dhamaanba ummadda Soomaaliyeed.

 

Wixii faahfaahin ah kala soco website-ka guud ee SOMALI SPEAKING PEN

 

www.sspen.org

 

Guddigga qabanqaabada shirweynaha.

Jabuuti, Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

 

Amina Mussa Wehelie

[email protected]