4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Waddanka Jabuuti iyo Wafdi la socda oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho



Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho iyagoo kulan la yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay uga hadleen safarka ay ku yimaadeen Muqdisho.

Idiris Aarna'uut Cali oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa sheegay inay casuumad ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ayna ku sugnaan doonaan Muqdisho iyagoo muddadaas kulammo la yeelan doona xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

"Booqashada uu halkan ku yimid guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waa tii ugu horreysay oo guddoomiye baarlamaan oo ka socda dalalka dariska ah uu ku yimaado Muqdisho," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ahaa xubnihii soo dhaweeyay wafdigan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageerada ay dowladda Jabuuti u fidisay shacabka iyo dowladda Soomaaliya isagoo sheegay inay tahay mid ay mar walba xusuusan doonaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimaado magaalada Muqdisho, inta uu joogana uu la kulmi doono xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaad tihiin mudanayaal wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed, shaqadiina waa in ay noqoto mid ay si daacad ah u gudataan; waxaana idin kugu hambalyeynaynaa hoggaanka aad u soo doorateen Soomaaliya,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti u sheegay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah kuwa AMISOM, kuwasoo ka howgalaya gobolka Hiiraan, waxaana dowladda Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya ay dhowr jeer oo hore isku day-day inay xal u hesho dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya