3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Maamulka Degmada Hurwaa oo dib u furay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Dayax
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa maanta dib u howlgeliyay suuqii xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax, isagoo sheegay in ammaanka suuqaas uu yahay mid la isku halleyn karo.

Ganacsatada suuqaas ayaa iyaguna sheegay inay aad u soo dhaweynayaan dib u furidda, iyadoo qaar ka mid ah ganacsatada oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen inay in dhawaalaba sugayeen dib u furidda suuqa xoolaha ee Dayax.

"Dib u furidda suuqa xoolaha ee Dayax waxay muhiimad gaar ah ugu jiraa ganacsatada xoolaha oo markii hore xoolahooda u iib-geyn jiray degmooyin kale," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Huriwaa.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in amaanka degmada ay tahay mid aad u wanaagsan, kaddib markii la qabqabtay askar fara badan oo uu sheegay inay dhib u geysan jireen shacabka degmadaas ku nool.

"Waxaan ku faraxsannahay in dib loo furo suuqa xoolaha ee Dayax, runtii dhibaato weyn ayaan ku qabnay xoolaha nool oo aan u geyn jirnay suuqyo ka fog halkaan, waxaana taas naga soo gaari jirtay khasaarooyin kala duwan," ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada xoolaha nool oo saxaafadda kula hadlay suuqa la furay.

Suuqan oo lagu iibin jiray xoolaha nool tan iyo markii ay maxkamadihii Islaamka la wareegeen awoodda Muqdisho ayaa wuxuu ku xirmay dagaalladii u dhexeeyay Al-sabaab iyo dowladda KMG ah, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay DKMG ah dib u furto suuqan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/8/2012 8:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah qalinka ku duugay qorshe lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka Soomaaliya afarta ee soo socota, kaasoo ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil hore.

8/8/2012 7:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo ka mid ah wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle.

8/8/2012 7:26 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen guddoomiye ay dowladdu u magacowday maalin ka hor deegaankaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

8/8/2012 7:12 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne diyaaradii ugu horreysay oo muddo afar sano ah kaddib dawo u sitay hay’adda MSF ee maamusha isbitaalka guud ee magaalada gobolka Hiiraan.

8/8/2012 4:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

8/8/2012 3:47 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.

8/8/2012 3:29 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta kala diro xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 550-xubnood, isagoo isla maantana la kulmaya dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho.