4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Ra'iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya oo sheegay inuu rajo weyn ka qabo in loo doorto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Mudane C/weli Gaas ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu kaga dhawaaqayay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo shalay ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay in lagu qiimeyn doono waxyaabihii ay qabatay xukuumaddiisa muddadii sannadkan ahayd ee ay jirtay.

"Haddii aad eegto waxyaabihii ay qabatay xukuumaddeyda muddadii yarayd ee ay jirtay waxaad i siin doontaa codkaada," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka mid noqonaya murashaxiinta xusul-duubka ugu jira doorashada madaxnimo ee dalka.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku faanay in dowladdiis ay howlo badan qabtay intii ay jirtay, isagoo si gaar ah u xusay ammaanka oo uu sheegay inay tahay mid ay guul weyn ka gaartay xukuumaddiisa intii ay shaqeynaysay.
 
"Sababta aan isugu sharraxay doorashada madaxnimo ee dalka waa inaan kalsooni buuxda ku qabo inaan guuleysan doono," ayuu yiri C/weli Gaas oo intaas raaciyay inaysan jirin cid ku dhiirran kartay sannad ka hor inay ololaha doorashada madaxnimo ee dalka ay ku qabto Muqdisho, taasna waxaa sababtay ammaanka oo la xaqiijiyay.

Wasiirrada xukuumadda C/weli Gaas oo iyaguna xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay ku taageerayaan ra'iisul wasaaraha inuu xilka madaxnimo ee dalka isku soo taago iyagoo sheegay inay sumcad weyn ku heleen howshii ay qabteen halkii sano ee ay shaqeynayeen.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu ku biirayaa 19-murashax oo u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka aan awoodda lahayn.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa soo dooran doona 275-xildhibaan oo lagu wado inay maalmaha soo socda soo gudbiyaan magacyadooda odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho, waxaana murashaxiinta kale ay cabsi weyn ka qabaan in doorashada ay kusoo baxaan madaxda dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya