4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Golaha wakiilada Puntland oo meel mariyey xeerka doorashada goleyaasha deegaanka iyo kal-fadhigoodii 28aad oo soo xirmay


Talaado, August 07, 2012(HO): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka doorashooyinka golaha deegaanka.

Fadhiga baarlamaanka oo ahaa kii ugu danbeeyey kal-fadhiga 28aad ee golaha oo maanta soo xirmay, waxaa soo xaadiray 64 mudane, iyadoo 41 kamid ahina ay sharcigan " Haa" ugu codeeyeen.

Xeerkan oo dhowrkii beri ee u danbeeyey ay goluhu ka doodayeen, waxaa markii la meel mariyey kadib warbaahinta uga warbixiyey gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Wuxuuna sheegay in ay goluhu dood adag ka yeesheen, caqabadna ay ansixintiisa ku noqdeen arimo ay kamid tahay: qaabka ay doorashadu uga dhacayso degmooyinkii horay u jirey iyo kuwii ay dib dowlada Puntland ka magacawday.


Gudoomiyaha golaha ayaa sidoo kale sheegay in la isku afgartay in doorashadu ay ka dhacdo dhamaan 37da degmo ee Puntland, haseyeeshee muhiimadda koowaad la siin doono 21 degmo oo ah kuwii jirey kahor intii aysan burburin dowladii dhexe ee Soomaaliya.


Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Garoowe dib ugu soo laabtay madaxweyne Faroole iyo wefdi uu horkacayo, kadib markii uu magaalada Nairobi kaga soo qayb galay shirkii ay saxiixeyaashu yeesheen.

Baarlamaanka Puntland oo sanad walba yeesha laba kulan, waxay kal-fadhigan oo ahaa kii 28aad ee ay isugu yimaadaan kumeel mariyeen xeerar badan oo la horkeenay iyaga oo qaar kalena laalay.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia