4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Dood-cilmiyeed looga hadlayay Sidii lagu kobicin lahaa Ganacsiga Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dooddan looga hadlayay sidii kor loogu qaadi karo ganacsiga dalka si uu u kobco dhaqaalaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayhaa waxaa ka qaybgalay ganacsato isugu jiray rag iyo dumar.
 
Doodda oo ay soo qaban-qaabisay Hey'adda CCD ayaa lagu soo qaaday marxalada xilligan uu marayo ganacsiga dalka, iyadoo ganacsatada ay kusoo bandhigeen qodobbo badan oo lagu horumarin karo ganacsiga dalka.
 
Guddoomiyaha haweenka ee CCD, Sahro Maxamuud Amiin oo doodda hadal ku furtay ayaa sheegtay sheegtay in ganacsatada looga baahan yahay inay isku xirnaadaan, isla markaana ay kobciyaan dhaqaalaha dalka.
 

Sidoo kale, ganacsade C/llaahi Daahir Maxamed oo isaguna doodda ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu qayb ka yahay daqliga kasoo xarooda dekedaha dalka, isagoo soo hadal qaaday dekedda Kismaayo oo uu xusay in dhaqaalaheeda uu gacanta ugu jiro Al-Shabaab, isla markaana ay ka mid tahay afarta dekedood ee uu dhaqaala badan kasoo galo dalka, isagoo intaa ku daray inay rajeynayaan inay dowladda KMG ah la wareegto dekeddaas, dhaqaalaha kasoo xarooda loo isticmaalo sidii dhibaatada ka jirta gobolada Koofureed loogu maareyn lahaa.
 
Ganacsade Ibraahim Maxamed ayaa isna sheegay in xaalufinta dhirta ay qayb ka tahay nabaad-guurka deegaanka, isagoo cadeeyay in loo baahan yahay in la joojiyo dhoofinta dhuxusha ee ka socota dekedaha dalka qaarkood.
 
Waxaa kaloo doodda ka hadlay, Xasan Axmed Shardi isagoo xusay in qaabka ugu habboon ee la isugu xiri karo ganacsatada ay tahay inay midoobaan, si ganacsiga dalka kor loogu qaado.


Doodda ayaa waxaa sidoo kale hadallo kala duwan ka jeediyay ganacsatada kala ah, Cali Sheekh Xasan, C/qaadir Maxamed Maalin iyo Caasho Muxiyadiin waxayna dhammaantood sheegeen in loo baahan yahay in suuqyada ganacsiga amaankooda la sugo si ay ganacsatadu u bixiyaan canshuurta ay dowladdu ku leedahay. Iyagoo ka dalbaday in la ballaariyo goobaha ganacsiga dalka oo ciriiri uu ka jiro.
 
Ugu dambeyn, ganacsatadii doodda ka qaybaglayay ayaa soo gudbiyay fikrado iyo aragtiyo ku aaddan sida lagu kobcin karo ganacsiga dalka, laguna hormarin karo, waxayna muujiyeen in ganacsatada ay yihiin tiirka bulshada Soomaaliyeed.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya