4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Suxufiyad ka hawlgasha Telefishanka Xukuumadda Somaliland oo Booliiska Degmada Boorame ay dhibaato u geysteen
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Suxufiyad ka hawlay Telefishanka xukuumadda Somaliland oo lagu magacaabo Hodan Caafi ayaa waxaa dhibaato u gaystay taliye ku xigeenka saldhiga dhexe ee bileyska Boorame ee gobolka Awdal, kaas waxyeello kasoo gaadhay wejiga sida Ilkaha, isha hoosteedda  iyo dibinta oo la sheegay inay dilaacday.

Falkan oo dhacay Axaddii dorraad ayaa la sheegay in suxufiyadan ay gudanaysay waajibaadkeeda shaqo iyadoo war ka diyaarisay muran ilmo yar oo la isku haystay, balse waxa la sheegayaa in taliye ku xigeenka saldhigaasi uu inanta dhirbaaxay ka dibna uu mobilkiisa wajiga kaga dhuftay, taasinay ay keentay in dibinta dilaacdo ilkuhuna wax noqdeen.

“Aniga oo hawlo shaqo ka haya meel saldhiga booliska u dhow oo lagu hayay ilmo yar oo laysku haystay, ayaa waxaa dhirbaaxo badheedha igu dhuftay taliye ku xigeenka saldhiga dhexe Saleebaan Jaamac Gasle, kadibna isha hoosteeda ayaa I madoobaatay, intaa ka dibna waxa uu igu feedhay Mobile-kiisa oo dibnaha faruuryahooda ayaa I dilaacay, iligna wuu I ligliganayaa”ayey tidhi Hodan Caafi oo warbaahinta uga waramaysay qaabkii taliye ku xigeenku dhibaatadda ugu gaystay.

Inantan suxufiyadda ah ee ka hawlgashay Tv-ka Qaranka Somaliland ayaa noqonaya wariyihii ugu horeeyey ee xarun dawladda ah ka hawlgasha oo si badheedh ah loo garaaco, haseyeeshee mudooyinkan dambe waxa Somaliland ku soo badanaya wariye la iska xidho ama la garaaco iyadoo aan sharciyadda loo marin ama wax waaran ah loo soo qaadan.

Sanadkii hore dhamaadkisii bay ahayd suxufiyiin gaadhaysa kontan  oo iskugu jira rag iyo dumar xabsiga magaaladda Hargeysa loo taxaabay maalin kaliya, waxa iyna jirtay wariye ku xidhnaa saldhiga dhexe ee Boorame oo boolisku saldhiga dhexdiida ku garaaceen, waxyaalo culusna u geysteen, kaas oo markii dambe dhakhtar dibadeed loo diray.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la sheegayaa in la xidhay taliye ku xigeenkii waxyeelada ugaystay Wariye Hodan Caafi,waxaana la sheegayaa in la baadhayo sababta uu dhibaatadda ugu geystay inanta, taas oo dadkii aad uga cadhoodeen sabab la’aanta uu u waxyeeleeyey suxufiyad waajibaadkii qarankeedda gudanaysa.

Haseyeeshee, Ilaa hadda ciidamadda boolisku kama hadal sababta inanta loo garacay iyo waxa ku kulifay inuu gacan ula tago wariye hawl maalmeedkiisa shaqo ku jiray.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland